Kooxo hubeysan oo afduub iyo dil ka geysatay Xerada Dhadhaab ee dalka Kenya
June 29, 2012 - Written byDhadhaab:-Kooxo hubaysan ayaa maanta shaqaale caddaan ah u afduub ugu geystay xerada Ifo ee ku taalada deegaanka Dhadhaab ee gobolka waqooyi bari Kenya.Kooxaha hubeysan, ayaa ugu horeyn dilay darwalkii gaariga ku waday shaqaalaha la afduubtay, waxayna sidoo kale dhaawaceen qof kale, iyadoona ay u suuragashay inay afduubtaan 4 qof oo ajaanib ah.
Dadka la afduubtay ayaa dhalashooda lagu kala sheegay, Norway, Canada iyo Filibin, iyadoona xaalad cakirnaan ah ay gashay xerada Ifo, iyo guud ahaan xeryaha dariska ah ee ku yaala deegaanka Dhadhaab.
Dableyda falkan geysatay ayaa waxaa la rumeysan yahay inay ka yimaadeen dhinaca Soomaaliya, iyadoona ciidanka Kenya, ay bilaabeen baaritaano, lamana garanayo Natiijada ka soo bixi karta baaritaanka.
Xeryaha qoxootiga ee waqooyi bari dalka Kenya, ayaa waxaa ku jira boqolaal kun oo qoxooti Soomaaliyeed, iyadoona sidan oo kale horey shaqaale ka shaqeeya samafalka loogu afduubtay.
Halgan.net