Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed oo gaaray AdisAbaba (Warsaxaafadeed)
June 25, 2012 - Written byAdisAbaba:-Madaxweynaha DFKM Sharif Sh. Axmed ayaa galabta la kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Malez Zenawi. Labada masuul ayaa ka wada’hadlay arrimo badan oo quseeya labada wadan, Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Somaaliya iyo xukuumadiisa horumarka ay ka gaareen dhinacyo badan, gaar ahaan dhanka amniga iyo siyaasada.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa ka wada hadlay sidii loo dardar’galin lahaa how’galada ay sida wada jirka ah uga wadaan ciidamada DFKM oo kaashanaya ciidamada dalka Ethiopia qaybo ka mid ah gobollada Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweyne Sharif iyo Ra’iisul wasaare Melez ayaa isla gorfeeyay sidii loo xoojin lahaa calaaqaadka labada wadan, ayna ka wada shaqeeyaan mashruucyo fududaynaya wax soo’saarka labda shacab, sida korontada, dhismaha wadooyinka iyo biya galinta.
no images were found
Waftiga Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaaliya Sharif Sh. Axmed ayaa waxaa ku weheliyay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise, Wasiirka Arrimaha Dibada Cabdullahi Haji Huseen iyo masuuliyiin kale.
– Dhamaad –
Suldan A. Farah seed
Agaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha