Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed oo maalintii 2aad ku sugan Degmada Afgooye.

June 12, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Axmed ayaa  ku sugan yahay Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose maalintii labaad waxaana  uu kulamo kula qaatay saraakiisha ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM iyo odayaasha Degmada Afgooye.

Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa waxaa uu kala hadlay odayaasha Degmada Afgooye sugida amaanka iyo dhibaatada ay ciidamada DFKM ay ka geysteen gudaha Degmada Afgooye iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa sheegay in ujeedada safarkiisa uu yahay sidii uu ula tashan lahaa saraakiisha DFKM iyo maamulka gobolka iyo kan Degmada Afgooye si loo xaqiijiyo amaanka lagana hortago in wax dhibaato ah loo geysto shacabka ku dhaqan Degmada Afgooye.

Dhinaca kale Wararka naga soo gaaraya Degmada Balcad ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaq ciidan uu ka socdo  inta u dhaxeysa Balcad iyo Muqdisho waxaana laga dareemayaa diyaargarow dagaal ay wadaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-Shabaab.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online