Madaxweynaha Puntlland iyo Wafdi la socda oo dib ugu soo laabtay dalka Itoobiya kuna sii jeeda Garoowe.(Masawiro)
June 5, 2012 - Written byMadaxweynaha dowllada Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka soo qayb galay shirki ka dhacay dalka Turkiga ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Addis Abba ee caasimada dalka Itoobiya, Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku weheliya Wasiirka Arriamaha Gudaha ee Puntlland Gen. Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka Jiir, Wasiirka Waxbarashada Cabdi Faraax Saciid Juxa.
Wafdiga dowllada Puntlland oo uu hogaaminayey Madaxweynaha Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxaa ay si rasmi ah uga qayb galeen shirkii London wajigiisii Labaad oo looga hadlayey RoadMapka iyadoo shirka gabgabadiisana la isku raacay in la fuliyey hishiiyadii lagu gaaray magaalada Muqdisho ,Shirkii Garoowe 1 , Garoowe 2 , Shirkii Addis Abba, iyo is afgaradkii Gaalkacyo waxaan madaxda Soomaaliada loogu baaqay in si deg deg ah looga baxo xiliga ku meel gaarka lana fuliyo go,aamada beesha caalmka oo iyagu taageera DFKM.
Halkaan ka akhriso Khudbadii Madaxweynaha Puntlland uu ka jeediyey shirkii ka dhacay dalka Turkiga
no images were found
Wafdiga dowllada ayaa intii ay ku sugnaayeen dalka Turkiga waxaa ay kulamo kale duwan la qaateen Madaxda ugu saraysa ee dalka Turkiga, Siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan Qaramada Midoobay Midowga Yurub EU ,Masuuliyiin ka titran Imaaraadka Carabta U.A.E , Italy, Kenya, Germany, Australia, iyo dalka Kuwait.
Halkaan Riix Madaxweynaha Puntlland oo dib ugu soo laabtay dalka Itoobiya
Puntland President Office
Halgan.net, Addis Ababa