Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wasiirka iskaashiga caalamiga Mr.Ben Knapen.(Sawiro)
June 7, 2012 - Written byAddis:-Madaxweynaha dowllada Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole ayaa waxaa uu kulan shalay la qaatay wasiirka iskaashiga caalamiga iyo arrimaha Yurub u qaabilsan Holland Mr.Ben Knapen oo maalintii shalay safar ku tegay magaalada Garoowe isagoo kula gaar ah la qaatay Madaxda Puntlland gaar ahaan ku simaha madaxweynaha Puntlland ahna madaxweyne ku xigeenka Puntlland Gen. Cabduisamad Cali Shire.
Wasiirka iskaashiga caalamiga iyo arrimaha Yurub u qaabilsan Holland Mr.Ben Knapen ayaa shalay waxaa uu saxaafada u sheegay in uu kulan kula qaadan doono magaalada Addis Abba ee caasimad dalka Itoobiya Madaxweynaha Puntlland iyo wafdi wasiiro ah oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladdaha hoose Gen.Cabdilaahi Axmed Jaamac Ilkajiir iyo wasiirka waxbarashada Puntlland Juxaa.
no images were found
Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole iyo Wasiirka iskaashiga caalamiga iyo arrimaha Yurub u qaabilsan Holland Mr.Ben Knapen ayaa waxaa kulankooda ay diirada ku saareen siddii Puntlland looga gacan siin lahaa arrimaha horumarinta kaabayaasha dhaqaale iyo in dowllada Puntlland laga caawiyo la dagaalanka burcadbadeedka iyo dadka barakacayaasha ah ee ku nool deegaanada Puntlland.
Wafdiga wasiirka iskaashiga caalamiga iyo arrimaha Yurub u qaabilsan Holland Mr.Ben Knapen ayaa shalay markii uu soo gaaray magaalada Garoowe waxaa uu kormeer ku tegay xarumaha dowllada Puntland iyo xeryaha ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah ee ka soo cararay colaada ka jirtay Koonfurta dalka Soomaaliya.
M_M_Deeq
Halgan.net