Wafdi ka socda DFKM oo gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan
June 14, 2012 - Written byHiiraan:-Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha ee DFKM C/samad Macalin Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaana ku soo dhaweeye garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif maamulka gobalka iyo ka Degmada gobalka Hiiraan
Wasiirrka iyo wafdigiisa ayaa waxay kulamo kala duwan la qaateen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobollka waxaana uu kulanka ka dhacay Hotelka Madiina ee magaalada Beledweyne.
Wasiirka arimaha gudaha ee DFKM C/samad Macalin Maxamuud ayaa waxaa uu sheegay in DFKM ay ku faraxsan tahay in ciidamada DFKM iyo kuwa Itoobiya ay ka saaraan magaalada B/weyne Ururka Al-Shabaab waxaana uu ka cudurdaartay booqashada madaxada DFKM oo soo daahaday.
Wasiirka arimaha gudaha ee DFKM ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey saraakiil ka kala socta Midowgga Africa, QM IGAD, iyo DFKM waxaana uu sheegay in ujeedada socdaalkooda uu yahay sidii loo xaqiijin lahaa amaanka magaalada B/weyne.
Wasiirka arimaha gudaha DFKM C/samad Macalin Maxamuud ayaa isla caawa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho waxaana uu socdaal ku tagi doonaa gobalada Bay iyo Gedo.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net