Wasiirkii Amniga Gudaha Pro George Saitoti iyo ku xigeenkiisii oo ku dhintay shil Diyaaradeed
June 10, 2012 - Written byNairobi:-Wasiirkii Amniga Gudaha Pro George Saitoti iyo ku xigeenkiisii ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen shil Diyaaradeed ka dib markii ay burburtay diyaraarad Helikopterka oo ay leeyihiin ciidanka Booliska dalka Kenya oo ay la socdeen.
Wasiirkii Amniga Gudaha Pro George Saitoti iyo ku xigeenkiisii Orwa Ojede iyo 7 qof oo kale ayaa ku dhintay shil diyaaradeed waxaana soo baxaya warar is khilaafan ilaa iyo haatan taas oo ku aadan sababta ay u burburtay diyaarada uu la socday wasiirka amniga dalka Kenya Pro George .
Wariye ka tirsan wakaalada wararka AFP ayaa sheegay in 7 ka tirsan illaaladii wasiirka in la helay meydkooda.waxaana goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan amaanka dalka Kenya .
C/Casiis Maxamed
Halgan.net