Al-shabaab oo Hoobiyaal ku weeraray garoonka magaalada Kismaayo
May 1, 2013 - Written by EditorKismaayo:-Ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa hoobiyaal ku weeraray Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxaan khasaaro ay gaarsiiyeen laamiga ay ku odaraan diyaaradaha marka ay kacayso ama soo degayso.[Run-way].Saraakiil ka tirsan Ciidanka AMISOM iyo kuwa maamulka ku meel gaarka Kismaayo ayaa waxaa ay saxaafada u sheegeen in ay iska difaaceen weerarka Al-shabaab ku soo qaadeen Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo oo ilaa 15-Km u jira magaalada.
Dhinca kale maareeyaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa isagana waxaa uu saxaafada u xaqiijiyey in garoonka Kismaayo ay ilaa labo Madfac ay ku soo rideen ciidanka ururka Al-shabaab ayna waxyeelo gaarsiiyeen xarun caafimaad oo ku taalay gudaha garoonka diyaaradaha iyo weliba laamiga diyaaraduhu ay ku ordaan marka ay soo degayaan.
Waa markii labaad oo ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ay hoobiyaal ku soo ridaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Ksimaayo xili garoonka shaqadiisu ay dib u bilaabatay.
Cabdi Yare
Halgan.net