Ciidamo ka socda dowlada Sierra Leone oo gaaray degmada Dhoobley
May 23, 2013 - Written by EditorAfmadow:-Ciidamo ka tirsan dowlada Sierra Leone ayaa gaaray maanta Degmada Dhoobley ee gobalka J/hoose waxaana lagu sheegay tiradooda in ay gaarayaan ilaa 100 askari kuwaas oo hordhac u ah 850 oo askari oo ay dowlada Sierra Leone u soo dirtay Soomaaliya.
Warar hordhac ah oo soo gaaraya Halgan.net ayaa sheegaya in ciidamada Sierra Leone ay maanta duhurkii u baqooleen deegaanka Taabto ee gobolka Jubbada Hoose halkaas oo Saldhig weyn ku leeyihiin ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya.
Ciidamada Kenya iyo kuwa Sierra Leone ayaa sheegay in ay howlgalada ay ka wadaan gobollada Jubooyinka iyo Gedo ay balaarin doonaan xili deegaano ka mid ah gobollada Jubooyinka ay ku sugan yihiin ururka Al-shabaab gaar ahaan xarunta gobolka Jubbada Dhexe ee Bu’aale.
Masuuliinta DFS iyo Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xumad ayaa horey u sheegay in ciidamada ka socda dowlada Sierra Leone la geyn doono gobollada Gedo iyo Jubbooyinka si ay ula howl galaan ciidanka dalka Kenya iyo kuwa DFS .
Cabdi Yare
Kismaayo