Guddoomiyaha xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Baydhabo oo la dhaawacay
May 8, 2013 - Written by EditorBaydhabo:-Wararka naga soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegay in xalay Bam gacmeed lagu weeraray guri uu deganaa Guddoomiyaha xaafadda Howl-wadaag Khaliif Ibraahim ,Guddoomiyaha ayaa waxaa weerarkaas ka soo gaaray dhaawac waxaan loo qaaday Isbitaalka magaalada Baydhabo oo lagu daweynayo.
Guddoomiyaha xaafadda Howl-wadaag ee degmada Baydhabo Khaliif Ibraahim ayaa waxaa uu ku sugnaa gurigiisaa xiliga weerarka lala beeg saday, ciidamo ilaalo ka hayey guriga guddoomiyaha ayaa waxaa ay ku guulaysteen in ay qabtaan qofkii Bamka ku weeraray guriga guddoomiyaha waxaan ay ku dileen isla goobta.
Taliyaha ciidanka Booliska ee Baydhabo, Isaaq Cali Aadan oo la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu u xaqiijiyey weerarka lagu qaaday xalay guriga Guddoomiyaha xaafadda Howl-wadaag ee degmada Baydhabo Khaliif Ibraahim wuxuuna uu sheegay in guddoomiyaha uu soo gaaray dhaawac culus, Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka ilaalada u ahaa gudoomiyaha ay ku guulaysteen in ay dileen qofkii weerarka geystay meydkiisana ay geeyeen Bartamaha magaalada Baydhabo.
Dadweynaha ku nool magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa saaka u soo daawasho tegay qofka la sheegay in ay dileen ciidanka oo sidda la sheegayo ahaa nin dhalinyaro ah oo horay uga soo goostay ururka Al-shabaab. Ciidanka Al-shabaab ayaa sidoo kale shalay waxaa ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan AMISOM oo marayey deegaanka Goofgaduud Shabeelow oo ilaa 12-km u jirta magaalada Baydhabo waxaan halkaas ka dhacay iska horimaad hubaysan oo mudo socday.
A/cawaale
Halgan.net.