Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Puntland shir jaraa’id ku qabtay Garoowe
May 6, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Puntland Dr.Maxamed Xasan Barre ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland isaga oo shaaca ka qaaday 11-Bishan May ay ku eg tahay xilliga la soo gudbinayo musharixiinta ka qeyb-galeysa doorashooyinka goleyaasha deegaanka Puntland .
Guddoomiyaha guddiga doorashada Maxamed Xasan Barre ayaa waxaa kale oo sheegay wakhtiga la qabanayo doorashooyinka goleyaasha deegaanada Puntland waxaana uu sheegay in la qaban doono 30-ka June 2013.
Gudoomiyaha guddiga doorashada ee Puntland Dr.Maxamed Xasan Barre ayaa waxaa ka mid ahaa hadladiisa ”Waxaan la socod siineynaa ururada siyaasada inay ugu danbeyso soo gudbinta liisaska musharaxiintooda 11 May,2013 saacadu markay tahay 5:00 galabnimo”
Sidoo kale Dhinaca kale Gudoomiyaha guddiga doorashada ee Puntland Dr.Maxamed Xasan Barre ayaa sheegay in dowlada Puntland ay sida ugu dhaqsaha badan ay u soo dhisi doonto Maxkamada dastuuriga taas oo kala saari doonta Musharixiinta.
Labo ka mid ah 6 Urur ee Puntland ayaa qaadacay in ay ka qeyb galayaan doorashooyinka goleyaasha deegaanka Puntland waxay kala yihiin Ururada Midnimo iyo UDAD kuwaas oo dhaliilay qaabka ay gudiga doorashooyinka Puntland wax u wadaan.
M_M Deeq
Halgan.net