Jaamacada Bariga Afrika(JBA) oo ka qayb gashay Kulanka Jaamacadaha Afrika oo lagu qabtay dalka Kenya
May 30, 2013 - Written by EditorBoosaaso:-Kulan ay soo qaban qaabiyeen ururka Jaamacadaha Africa ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan African Virtual Universities(AVU) ayaa waxaa lagu qabtay 17-24 May 2013 magaalada Nairobi ee dalka Kenya , Hotelka Intercontinental. Kulan ka oo ay isugu yimaadeen waddamada ku hadla Englishka, Arabiga, Fransiska iyo Portaqiiska ee Africa ayaa waxaa ka mid ahaa waddamadii ka soo qayb galay: Benin, Burkina Faso, Burundi, Cameron, Dr. Congo, Mali, Maurtania, Niger, Senegal, Somalia, Gambia, Ghana, Kenya, Namibia, Nigeria, Rwanda, Sudan, South Sudan, Tanzania, Cape Verde, Guinea Bissau, Ethopia, Madagascar, Zimbabwe, Mozambique iyo South africa.
Kulankan oo looga hadlayay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada manaahijta waxbarashada iyo adeegsida technolojiyadda ayaa waxaa si gaar ah loogu falanqeeyay Manhajka tababarka macallimiinta iyo Cilmiga Computerka. Kulanka oo socday muddo 6 cisho ah ayaa waxaa ka qayb galay wafti ka socday Jaamacadda Bariga Africa. Waftiga JBA uga qayb galay ayaa waxay kala ahaayeen G/Ku xigeenka JBA Mr. Dayib Cali Maxamed iyo madaxa xiriirka caalamiga Mr C/rasaak Macalim Bashir.
no images were found
Madaxa Ururka Jaamacada Africa(AVU) Dr.Diala oo ay si gaar ah u kulmeen wafdigii ka socdayJJamacada Bariga Africa ayaa si gaar ah uga mahad celiyay kasoo qayb galka iyo dadaalka ay muujiyeenn iyo sida ay u buuxiyeen doorkii waxbarashada ee Somaliya iyadoo ay soomaaliya mudaba dheer la daalaa dhacaysay dawlad la’aan.
Kuxigeenka madaxa Jaamacadda Africa Mudane Dayib Cali Maxamed oo ka hadlay goobta ayaa ku tilmaamay fursad qaali ah midaynta manaahijta jaamacadaha Africa iyo isticmaalka technolojiyadda casriga ah si sare loogu qaado aqoonta dhalinta afrika.
War murtiyeed ka soo baxay shirka ayaa lagu soo bandhigay in manaahijta jaamacadan loo sahli doono ardayda Africa dhamaan si ay uga la dagaan shabakada internet iyagoo aan bixin wax lacag ah. Arrintan oo qayb ka ah horumarinta iyo baahinta aqoonta ardada qaaradda Africa.
Halgan.net