Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo maanta booqasho ku tagay Degmada Dayniile
May 5, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tagay Degmada Dayniile waxaana kormeerka ku weheliyey qaar ka mid ah golaha Wasiirada DFS ,Saraakiil iyo ku simaha gudoomiyaha gobalka Banaadir.
Madaxweynaha DFS ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Degmada Dayniile Maamulka Degmada Dayniile waxaana halkaas ay ka soo jeediyeen cabshooyin kala duwan iyo baahida dhinaca horumarka ee ka jirta Degmada Dayniile
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxmauud ayaa khudbad kooban u jeediyey dadweyne ku soo dhaweeyey degmada Dayniile ee gobolka Banaadir wuxuuna sheegay in dowladiisa ay fashilisay weeraro badan oo ay fulin lahaayeen Ururka Al-Shabaab.
Madaxweynaha DFS ayaa waxaa uu yiri “Al-shabaab waxay doonaysaa inay dadka ku nool Muqdisho iyo dalka oo dhan ay layso, kuna noolaadaan dhibaato iyo rafaad, balse dowladda oo garab ka helaysa shacabkeeda ma aqbali doonto waxayna wadaa qorshayaal badan oo looga hortagayo Al-shabaab”
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahad celiyey ugu danbeyntii Taliyeyaashii hore ee nabadsugidda DFS iyo Booliiska wuxuuna ugu baaqay kuwa cusub in ay dadaal dheeri ah la yimaadaan.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net