Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay safiiro ka socday 15 dal oo ka tirsan EU(Masawiro)
May 30, 2013 - Written by EditorNairobi:-Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa kulamo kala duwan la yeeshay safiiro ka socday 15 dal oo ka tirsan EU iyo USA waxayna ka hadleen arimaha Soomaaliya iyo Puntland.
Madaxweynaha Puntland oo shalay soo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa uu kulan sido kale xalay la qaatay Ergayga dalka Mareykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya lAmbassador James Swan waxaana ay ka wada hadleen arimaha Amaanka ,Dastuurka DFS,maamul u samaynta gobolada Soomaaliya dhaqaalaha ,shilinka Somaliga iyo hergalinta xisbiyada badan ee Puntland.
no images were found
Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa waxaa uu kulan la yeeshay sidoo kale saaka safiirka EU- u qaabilsan Somalia Michele Cervone,wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Somalia Maxamed Saalax Al-Nadiif.
Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa sidoo kale maalinta birito ah kulan la qaadan doona Masuuliin ka tirsan dowlada Kenya balse wili si rasmi ah looma shaacin cida uu la kulmi doono.
M_M Deeq
Halgan.net