Maxkamada darajada 1aad ee magaalada Boosaaso oo xukun kala duwan riday
May 19, 2013 - Written by EditorBoosaaso:-Maxkamada darajada 1aad ee magaalada Boosaaso ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday 5 nin oo ah Naakhuudayaal ah kuwaas oo waday doonyo laga leeyahay dalka Iran oo si sharci daro ah uga kaluumeysanayey xeebaha Puntland.
Gudoomiyaha Maxkamada darajada 1aad Sheekh Aadan Axmed ayaa markii uu dhageystay eedeynta loo soo jeediyey 5 nin ee Naakhuudayaasha ah iyo dhamaan shaqaalihii la socday 5 dooni oo ay qabteen ciidanka ilaalada badda ee Puntland ayaa ku dhawaaqay xukunka.
Doonyaha sida Sharci darada uga kaluumeysanayey xeebaha Puntland oo gaaraya ilaa 5 dooni ayaa waxaa lagu xukumay in mid walba ay bixiso 100,000 $ oo ganaax ah, waxaana loo qabtay in ay ku bixiyaan mudo gaareysa ilaa 45 cisho, hadii ay ay bixin waayaana waxaa 5ta dooni la wareegi doonta dowlada Puntland.
Maxkamada Darajada 1aad ayaa waxaa ay sidoo kale xukun ku riday 5 nin oo Naakhuudayaal ka ahaa doonyaha waxaana qofkiiba lagu xukumay 5,000 $ oo ganaax ah in uu bixiyo mudo 45 cisho ah hadii ay bixin waayaana waxaa loogu badali doonaa xabsi .
Gudoomiyaha Maxkamada darajada 1aad Sheekh Aadan Axmed ayaa waxaa uu sidoo kale uu xukun ku riday Badmaaxiintii la socotay doonyaha kuwaas oo gaarayey ilaa 70badmaax waxaana qofkiiba lagu xukumay 2,000 $
Dhinaca kale waxaa sidoo kale oo Maxkamada darajada 1aad ay xukun ku riday 12 nin oo Soomaali ah kuwaas oo waardiye ka ahaa doonyihii la soo qabtay waxaana lagu xukumay qofkiiba 1000 $ oo ganaax ah in ay ku bixiyaan mudo 45cisho ah.
Dowlada Puntland ayaa waxay sidoo kale la wareegtay dhamaan kaluunkii saarnaa 5ta doonyood oo ay qabteen ciidanka ilaalada badda Puntland iyo hubkii saaraa.
M_M Deeq
Halgan.net