Qarax lala beegsaday Ciidamada Itoobiyaan ee ku sugan magaalada Baladweyne
May 25, 2013 - Written by EditorBaladweyne:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegay in Qarax miino lagu weeraray ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baladweyne waxaana qaraxa ka dhashay khasaaro kala duwan.
Warar hordhac ah oo heshay Halgan.net ayaa sheegaya in Laba askari oo ka mid ah ciidanka Itoobiya ay ku dhaawacmeen qarax miino oo maanta ka dhacay isgoyska Irid-Aamin ee magaalada Baladweyne.
Weerarka lagu qaaday ciidamada Itoobiya oo marayey isgoyska Irid-Aamin ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey Taliyaha saldhigga booliska Baladweyne G/ dhexe Cali Dhuux Cabdi Mahad wuxuuna sheegay in qarax lagu weeraray ciidamada Itoobiya iyaga oo biyo ka dhaansanaya isgoyska Irid-Aamin.
Qaraxa ka dib ayaa ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFS waxay howlgalo ka sameeyeen isgoyska Irid-Aamin waxayna gacanta ku dhigeen ilaa 4 qof iyaga oo u kaxeystay Saldhiga Booliska ee magaalada Baladweyne.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net