Qaybtii 10aad ee Maqaalkii Uurdoox Shiikh Cabdiraxmaan Shiikh.Cumar
May 9, 2013 - Written by EditorWaxay inoo joogtay maxkamadda badbaadada oo u furantay wadaado salafiyiin ah oo ku soo sheegnay magac yadooda maqaalkii sagaalaad. Waxaan rabaa in aan wax yar ka tilmaamo maxkamadda badbaada Qaranka: Maxkamadda Badbaadada Qaranka waxaa la asaasay sanadkii 1970 curashadii Kacaanka ka dib iyadoo lagu soo kordhiyay maxkamadihii jiray Kacaanka ka hor ka dib markii la laalay dastuurkii u degganaa dalka 1969 -1979 waqtigaa oo uu isku ahaa golihii sare ee Kacaanka hayadda sharci dejinta iyo fulinta labadaba,waxaa xabsiyada ka buuxsamay dadka u xirnaa maxkamadda badbaadada,nin la oran jiray Mohamud Mohamed Khaawi ayaa maxkamadda badbaadada xirtay iyadoo lagu eedeeyay in uu aflagaadeeyay madaxweeynaha dalka, wuxuu abaabulay xabsiga dhexdiisa in maxaabiista cuntada ka soomaan taasoo si buuxda u fuliyeen maxaabiistii ku jirtay xabsiga dhexe oo dhan taasoo keentay in lagu dhawaaqo in racfaanka maxkamadda badbaadada yahay in codsi loo qorto madaxweeynaha. wuxuu ii sheegay Avvo. Osman Abdi (gacameey) markii aan ka wareeystay Maxkamadda Badbaadada Dalka Soomaaliyeed hadalkan:”
A/C/W,salaantaas ka bacdi,MAXKAMADII BADBAADADA DALKA SOMALIYEED,waxaa la dhisay 70 kii wixii ka dambeeyay markii ciidamada xukunka la waregeen,waxaayna u sameesteen sharciye gaar ah,waayo sharcigii dalka dastuurkii waay laaleen 1969-1979 tobankaas sano dalka dastuur ma laheeyn,sharcigii gaarka ahaa ee nidaminaayay garsoorka dalka ‘ordinamento giudiziario’kuma qorneen dhismaha maxkamado gaar ah oo ka baxsan kuwa caadiga,sidaas darteed, maxkamadda badbadada waxaa lagu wareejiyay dhamman wixii dacwada ciqaab aheed oo cuslaa sida dilka,burcadka dhawacyada culus oo loo adeegsado hubka sida bustoolad,qori,minidi iwm,markii dambane waxaa awoodooda loogu kordhiyay dacwadii madaniga qaarkooda ,sida dacwadaha hantidda qaranka,markii ugu dambeeysay waxaalaga xayuubiyay maxkamaddaha caadiga 90/100 awoodoodi gaarka aheed,arrimihii ugu fuusha xumaa waxaa ka mid aheed;markii sharci gaar loo sameeyay hantida qaranka ‘qofkii xadda hanti qimeheeda dhan yahay boqolkun xukunkiisa waa dil taas oo lagu fuliyay 3-dii ugu horeeysay,hasa yeshee sharcigaas ciladiisu waxaay soo shaac baxday markii dhaqaalaha dalka sicir barar ku dhacday oo 100 kun oo la mid noqday boqol shilin,wax is bedel ahna laguma sameeynin sharcigaas, ceebaha kale ay laheed maxkamadaas waxaa ka mid ah iyadoo hal darajaaheed ma la heen qayb racfaan,waxaay la hayd oo qur cabasho loo qorto MADAXWEEYNAHA,asaga kali ah awood u lahaa in uu soo cafiyo iyo n uu diido.,markii dambana madaxweeynaha wuxuu sameeysatay guddi gaar ah oo lo bixiyay guddigga cadalada oo madax ugu dhiga XUSEEN KULMIYE,WAXAA MAXKAMAAS LA MID AHAA DHISMIIHI HAY’ADII LA DHIHIJIRAY NABADSUGIDA oo ayadan afduubatay dhamman awoodii ha’ayadihii nabdgelyadda sidda boliiskii , waxaa xusid mudan,xataa awoodi maxkamadii ciidamada badankooda waxaa la wareegtay maxkamadda badbaadada,ciladaha dhaliyay burburka dalka waxaa ugu weeyn sharcigii amniga dalka lagu hagayay markii si qaldan loogu koobay madaxtooyadda oo iska sareysiisay sharci kasto,nasiib wanaag halkaan kuma soo koobi karno,fiira gaar ah garyaqaannadii maxkamadda badbaada ayagaa laguma soo xuleynin garaadka aqoonta sharciga iyo waayo aragnimo,waxaa la soo magacaabi jiray dhalin yaro aan wax aqoon u laheen sharciga ciqaabta iyo kan madaniga iyo heykalka garsoorka midna.wixii aad kaloo iiga bahatid faafihintooda insha allah diraar ayaan kuula ahay wabilaah toofiq “Avv. Osman Abadi (gacamay).
Hadalkan wuxuu iiga soo diray Seattle Washington USA,sida ka muuqata waa maxkamad gaar ah oo ka sarreeysa shuruucda dalka kolba ciddii si gaar ah loo ciqaabayo ayaa la geeyaa laguna fuliyaa xukunkii la rabo.Qofka loo gudbiyo maxkamadda badbaadada kiiskiisa wuxuu fishaa waa xukunka loosoo yeeriyo xaakimka fadhiya iyadoo la cuskinayo badbaadada qaranka,anigu waxaan ku qancay in in maxkamadda Badbaadada ay sidaas tahay markaan dhageeystay dacwaddii lagu soo oogay culimada laba maalmood laga billaabo 7:00 am –9:00 pm, maalintii saddexaad ee xukunka lagu dhawaaqayay ma aanan imaanin anigoo ku qanacsanaa in wax dambi ah aanay laheeyn culimada. waxaan is lahaa waxaa wax lagu xukumi doonaa Mohamed Siidow oo Toorri galiyay guddoomiyaha degmada howlwadaag ka dib markii uu galay qolkii ay ku jirtay xaaskiisa oo umul ah idan la’aan isagoo aan u sugin inta ay xijaabka ka qaadaneeyso.Sidoo kale habarwaa oo la keenay maxkamadda shahaado been abuur ah oo uu sameeystay kuna dalbanayay jaamacad.
Culimada qafaska ku jirto intaan ka aqaan aan wax idinka baro,raga qaarkood ma aqoonin oo maxkamadda ayaan ku arkay.
1-Sh Xashi Colhaye Kaliil
2- Sh. Mohamed Osman Siidi
3- Sh Nuur Baaruud Gurxan
4- Sh Xassan Dahir Aways
5- Sh Mohamed Hussein(gaalkacyo)
6- Sh Cabdullahi Cali Xashi
7- Sh Cabdulcasiis Faarax Mohamed (lugu jire)
8- Sh. Cabdirisaq Xuseen ciise(okiyale).
9- Sh. Mohamud Sh faarax(akhii)
10- Sh Shaafici Maxamuud Maxamad
11- Sh Aways Maxamad Ibrahim
12- Yusuf Macallin Cabdi
13- Cabdulcasiis xuseen
14- Maxamuud Jamac
15- Maxamad Habarwaa
Culimadan waxay u qeeybsanaayeen rag ka tirsanaa dhaq dhaqaaqii islaamka ee socday,iyo rag aan ka tirsaneeyn ee salafiyiin ah,waxaa dhici karta maadaama ay xarakaadka qarsoodi ahaayeen in uu sheikh ka tirsan yahay dhaq dhaqaaq oo aadan garaneeyn,laakin waxaan sheegayaa intii aan garanayay.Waxay u badnaayeen labo xarako oo ah dhaqdhaqaaqa Al-itixaad al islaami iyo dhaqdhaqaaqa al-islaax.
1- Sh Hassan Dahir Aweeys( ittixaad)
2- Sh Cabdicasiis Faarax Maxamad(ina lugu jire) (ittixaad).
3- Sh. Cabdullaahi Cali Hashim(xashi) (ittixaad).
4- Sh Maxamad Cisman Siidii (ittixaad)
5- Sh Nuur Baaruud Gurxan (Islaax)
6- Sh Cabdirisaq Xuseen Ciise (okiyaale) (islaax).
7- Sh Maxamuud Sh Faarax (akhii) (islaax).
8- Maxamad Habarwaa (islaax) ma hubo
Culimada kale waa rag salafiyiin ah oo aan ka tirsaneeyn dhaqdhaqaaq islaami ah,dhammaan waxay ku eedeeysanyihiin in ay waddanka soo galiyeen kutub ka mamnuuc ah iyo in ay ku faafiyeen dalka wax diinta islaamka kasoo horjeeda.Waxaa intaa loo raaciyay in ay qaar ka qaataan mushaar dal ajnabi ah taasoo loola jeedo culimada jaamacadaha islaamiga ee sucuudiga kasoo baxay ee ay qaadatay raabidada dunida muslimka رابطة العالم الإسلامي ama Hay’adda Iftaaga iyo daraasaadka islaamka oo wax yar mushaar ah u qorta una dirta dibadaha si ay islaamka u fidiyaan.
Sheikh Xashi Colhaye(allaha u naxariistee) oo ugu da’weeynaa waa culimadii waqti hore toowxiidka iyo cilmiga ku fidiyay soomaaliya,sh Aweeys Maxamad Ibrahim waa reer Wanle Weeyn wuxuu duruus ka akhrinayay masjidka jaamaca ee magaaladaas,Sh maxamad Xuseen (gaalkacyo) allaha u naxariistee,waa sh. Nuur Cali Coloow raggiisii,Sh Shaafici Maxamuud Maxamad wuxuu ahaa ducaadda salafiyiinta.
Dowladda iyada oo ka cabsaneeysa kacdoon ayeey waxay ka keentay gobollada dalka culimo fara badan si ay u soo saaraan go’aan ah in dilka dadkaan diin ahaan bannaanyahay,waxaa lagu shiriyay guriga ummadda si looga doodo arrinkan.Waxaa si aad ah u horistaagay sh Aden Sh Cabdullaahi iyo culimo kale,agaasimihii masjidka isbaheeysiga islaamka,iyadoo sh maxamad Guuleed aad ugu ololeeyay in uu kasoo baxo fatwo ku aadan arrinkaa, laakin waxba kama soo bixin Ilaah fadligii.
1- Waxaa loo qabtay wadaadada qareenno kala duwan,waxaan ka xusuustaa cabdullaahi macallin allaha u raxmadee,oo aan maqlay in uu dhintay kana tirsanaa xarakada islaax (ma hubo),wuxuu kamid ahaa ahaa qareemada ugu adkaa ee ay ka muuqatay nin fahamsan dagaalka, qareen Cabdiraxman Sh. Xassan(Isfiilito),qareennada ma kala dhicin waxaa aad u saarnaa culeeyska dowladda,waxaa lasoo saaray miiska kutubtii lagu eedeeynayay culimada in ay si sharci darro ah dalka kusoo galiyeen oo isugu jira maraajic iyo kutub yaryar ah oo ah risaalooyin, xeer ilaaliyaha dowladda wuxuu ahaa nin caato ah oo adag kana mid ah xeer ilaaliyayaashii maxkamadda badbaadada sida Cisman Maye iyo Cabdirashiid Sh Axmed,eedeeyntii markii ay dhamaatay waxaa la billaabay xeer ilaaliyaha in uu keeno markhaatiyaashii, waxaa la keenay guddoomiyihii degmada howlwdaag ee toorrida ku dhacday wuxuu ka hadlay sida ay u dhacday wuxuu qirtay in ay qolka amar la’aan galeen,waxaa kaloo markhaati loo keenay sheikh Aden Sheikh cabdullaahi oo la weeydiinayay nin oday ah oo u ku jiray eedeeysanayaasha oo tagay Masaajidka Isbaheeysiga Islaamka wuxuu ka ogaa arrimahiisa,markii uu dhameeystay wuxuu ka ogaa dhacda daas,waxaa wax laga weeydiiyay risaalo yar oo xirilaaliyaha ku sheegay in ay tahay risaalada ugu khatarsan eek u jirta kutubta maxkamadda taalla magaceeduna ahaa (بدعةالمولد والاسراءوالمعراج oo uu qoray sheikh Cabdulcasiis Bin Cabdalla Bin Baaz,waxaa qareennadii weeydiiyeen kitaabka in uu akhriyay,wuxuu ku jawaabay “haa”,waxaa la weeydiiyay ma ku aragtay wax ka horimanaya diinta islaamka?wuxuu ku jawaabay “maya”, masalooyin culimada isku khilaafsanyihiin ma ahee,.Waxaa kaloo la weeydiiyay Raabidada Dunida Muslinka iyo Iftaaga waxa ay qabtaan. Wuxuu ka marqaatikacay in ay yihiin laba hayadood oo diinta islaamka fidiya oo ay u shaqeeyaan culimo fara badan oo dunida diinta ku fidiya.
Waxaa la keenay wadaado suufiya ah markaa ka hor oo loo xilsaaray in ay soo akhriyaan kutubta si ay uga markhaati kacaan waxa ku qoran kutubta ee kasoo horjeeda diinta islaamka.Wadaad “Gacna gab” la yidhaa ayaa maxkamadda horteeda ka marqaati kacay in kutubtan khatar ku yihiin dalka iyo diinta islaamka, ka dib qareennadii waxay weeydiiyeen kitaabka ugu khatarsan noo sheeg magaciisa,wuxuuna sheegay kitaabka aan soo sheegay ee ahaaبدعةالمولدو الاسراء والمعراجً .
Waxaa laga heeystaa wadaadadii kasoo baxay jaamacadaha islaamka kutubtii ay soo gateen intay waxbarashada ku jireen iyo kuwii lasoo siiyay waxaa lagu hayaa dekedda iyo qolada faafreebka qaranka.Kabaha in lagu tukado ayaa la isku xiraa,gabdhaha dugsiyada dhigta waxaa loo xidhaa sidii la rabo kaddibna waxaa lageeynaa isbitaalka si loo fiiriyo in ay bikro yihiin iyo in kale sababtoo ah waxaa la fidiyay in dugsiyada quraanka ee gadhaha xijaaban dhigtaan wax xun lagu sameeyo(subxaanallaah).
W/Q: Shiikh Cabdiraxmaan Shiikh.Cumar