Ra’isul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon oo ku celiyey in aysan aqbali doonin Maamulka J/land.
May 27, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Ra’isul wasaaraha Dowlada federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa mar kale ku celiyey in DFS aysan marna aqbali doonin Maamul gobaleedka JubaLand wuxuuna sheegay in Dustuurka uu khilaafsan yahay Maamulka looga dhawaqay magaalada Kismaayo
Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa wareysi uu siiyey Idaacada BBC-da wuxuu sheegay in xukuumadiisa ay siyaasad cad ka leedahay arimaha jubooyinka wuxuuna sheegay in 5qodob ay xukuumadiisa ku howlgali doonto.
1-Shaqo kasta oo maamul u samayn ah waa is kaleh hogaaminteeda DFS 2-Wax kasta oo la samaynayo waa in dadka deegaanku ku dhanyihiin
3-Wax kasta oo la qabanayo waa inay waafaqsantahay dastuurka dowlada federaalka
Soomaaliya
4-Howlkasta oo la qabanayo waa in uusan dhalin wax khilaaf ah oo dadka iska horkeenaya
5- In dowladaha IGAD la siiyo in dowr muuqada howlkasta oo la qabanayo .
Raisulwasaaraha DFS ayaa mar kale ku celiyey in ay muhiim tahay in shir dib u heshiisiin ah loo qabto dhamaan beelaha dega gobalada Jubooyinka si loo dhiso Maamul ay raali ka wada yihiin .
A/Cawale
Halgan.net