Wariye Axmad Kismaayo oo soo saaray Buug la magac baxay Hoygii Samata Baxa
May 31, 2013 - Written by EditorHorudhac:-Buuggan oo qoraallkiisu billowday April / 2003 wuxuu iftiiminayaa nolosha ummad muddo dheer la dhaxalsiyay dib-u-dhac, burbur iyo barakac wejiyo kala duwan leh iyo sidii ummadaasi ay uga soo kabatay daannadii kasoo gaartay adiyad xanuun iyo murugo badan, godob iyo gardarro urugo iyo arami reebtay oo iyadoon galabsan lagula kacay.
Inkasta oo sheekadu ku qotonto dadka reer Puntland iyo inta la haybta ah ee meelaha kala duwan ku kala dhaqan maanta, haddana wuxuu si gaara toojka ugu ifinayaa gobollada W/bari Somaliya oo iyagu bud-dhigaha u ah waqtiga iyo xaaladaha buuggu ka hadlayo oo ah intii ka horraysay xilligii la yagleelay maamulka ay markii dambe ku bahoobeen beelaha Puntland sannadii 1998.
Jilaaga ugu muhimsan ee buuggu waa jabhaddii SSDF oo iyadu xiriir iyo saamayn qoto dheer ku leh dadka iyo dhulka buuggu faaqidayo. Hase ahaatee wuxuu si baaxad leh u lafagurayaa waayaha iyo duruufaha ummadaas ay ka dhaxashay maalmo kala duwan oo lasoo gudboonaaday.
Dadka ku dhaqan W/bari waxay dhibaato xoog leh kala kulmeen waayihii kacaankii millateriga, waxyeello kale waxay kasoo gaartay jabhaddii SSDF xilligii kacaanka iyo kadib, dhibaato kale waxay kaga timi beelo kale oo Somaliyed waqtigii burburkii Somaliya 1991, dhibaato kale oo aad u adag waxay kaga timi hawlgalladi ururka Itixaadka iyo dagaalkii uu gobolkaas ka riday 1992.
Arrimahaas oo dhan ee sida gaarka ah u saameeyay ummadda W/bari waxay ahaayeen godob laga galay dadkaas aanse laga garaabi karin sababta keentay, laakiin arrinta xiisaha iyo ahmiyadda leh waxay tahay sida ummaddani uga dabaalatay oo ay uga samata-baxday waxyeelladii lala beegsaday iyo waayihii adkaa ee dawlad la’aanta iyo colaaduhu ay Somaliya hareeyeen.
Fekerka dadka W/bari iyo hab dhaqanka dhulkooda ka jira waa astaan nololeed oo ay ka faa’idaysan karto cid walba waana asaas laga ambaqaadi karo markay noqoto fahamka dawladnimada iyo xeerka wada noolaashaha bani’adamka. Waxaa buugu iftiiminayaa biseylka, wacyiga iyo dulqaadka ay ummadaasi u yeelatay nabarrada xanuunka badan ee ka imanayay dhaawaca dawlad la’aanta iyo gardarrada colaadeed ee lagula kacay.
no images were found
Dhacdooyinka buuggu soo bandhigayo waa kuwo aad looga fiirsaday, laga baaraan degay waqti badan lagu bixiyay xanaftirkooda, aad loo miisaamay, hase ahaatee qoraal kasta oo bani’aadamku qoro lagama waayo khalad lakin taas macnaheedu maaha in hadii khalad lagu arko buuggu yahay mid ula kac loo sameeyay ama ujeeddo gaara laga leeyahay, maya taasi ma dhicin.
Dhacdooyinka buuggu soo bandhigayo waa kuwo xaqiiq ku salaysan oo qoraagu goobjoog ka ahaa, wixii kale ee aanu goobjoog ka ahayna wuxuu soo bandhigayaa tixraaca halka sheekadaasu kasoo jeeddo.
Waxaa dhab ah in dhacdooyinka iyo arrimaha ku beegan waqtiga buuggu ka hadlayo aanay dadku isku si u wada arkaynin, lakin taasi qoraaga kama leexin soo bandhigidda wixii uu xog-ogaal u ahaa, wuxuuna xoogga saaray inuu xaqiiqda usoo bandhigo sidii ay ahayd.
Waa wax dhici kara in meelaha qaarkood laga dareemo dhacdooyin kale oo muhim ahaa oo qoraagu aanu soo bandhigin, hase ahaatee khasab maaha in wax kasta oo dadku wada tabayo la soo bandhigo waxana lagu xisaabtami karo ee wax la iska waydiin karo waxa weeye oo keliya waxa buugga ku qoran.
Waxaa dhici karta buugaan inuusan raalligelin dad badan, qaar kale ay ka caroodaan meelaha qaarkood, laakin waa in maskaxda lagu hayo inaan markii horeba qorshaha aanay ku jirin in buuggu dadka oo dhan lagu wada raalligeliyo waayo raalligelinta dadka oo dhan waa himilo uusan qofna gaari karin. Keliya waxan kalsooni ku qabaa in anigoo ku qanacsan arrimaha buuggu soo bandhigayo inay yihiin taariikh xaqiiq iyo miisaan ku salaysan waana taas arrinta qiimaha iigu fadhida.
Waxaa la isku raacsan yahay in ALLAH iyo Rasuulkiisa mooyee ay cid kataaba gefto, qof walba oo wax qoraa waa hubaal inuu ku dhacayo khalad nooc kastaa ha noqdee, shakhsi ahaan ma jiro gef ama aragti khaldan oo si ula kac ah aan ugu daray buuggan. Si aan taas uga fogaado waxaan ku dadaalay inay buugga akhriyaan dad tira badan oo kala aragti duwan, sidoo kale laftayda waxaan buugga ku laabtay marar badan anigoo taas uga gol leh bal inaan dib u dhuuxo oo dhinac kasta ka eego qaabka uu buuggu u dhigan yahay ama uu wax u cabbirayo.
Sidaas darteed, qofkii buuggan ku arka waxyaabo khalad ah nooc kastaa ha noqdeene, iyo macluumaad kala dhiman ama ka duwan sidii uu arrinku ahaa waxaan diyaar u ahay inaan soo dhoweeyo, dhaliil, marin-toosin iyo sixitaan intaba.
Danta laga leeyahay cilmi-baaristan waxa weeye in la helo dhaxal iyo raad taariikheed oo la xiriira dhacdooyinka buuggani daaha ka qaadayo kadibna baraarujin u noqdo jiilasha soo socda waqtiga fog , si wixii hagaagsan loogu daydo, wixii gef iyo qallooc ahna looga leexdo.
Axmed Maxamed Cali
(Ahmed Kismaayo)