Wasiiro ka tirsan DFS oo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose
May 26, 2013 - Written by EditorKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in goordhow ay gaareen halkaas wasiiro ka tirsan DFS waxaana wafdiga horkacaya Wasiirka G/dhiga ee dowlada federaalka Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi.
Wafdiga ka tirsan DFS ayaa haatan ku sugan garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxaana ay kulamo la leeyihiin saraakiil ka tirsan ciidanka Kenya ;wafdiga wasiirada ayaa waxaa ka mid ah wasiirka warfaafinta Cabdullaahi Ciil-mooge Xirsi, wasiirka garsoorka, Cabdullaahi Abyan Nuur .
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyey masuuliinta DFS in ay dhibaato ka wadaan magaalada Kismaayo wuxuuna sheegay in wixii dhib ah ee ka dhaca magaalada Kismaayo ay masuul ka tahay madaxada DFS .
Dhanka kale waxaa ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose Banaanbax lagu taageerayo Madaxweynaha J/land Ahmed Madoobe waxaa dadweynihii dhigayey banaanbax ay ugu baaqeen madaxda DFS in ay taageeraan Maamulgobaleedka J/land.
Banaanbaxa lagu taageerayo Maamul gobaleedka J/land ayaa waxaa kale uu ka dhacay Afmadow, Badhaadhe, Dhoobley, Kulbiyow iyo Diif iyo deegaano kale .
Cabdi Yare
Kismaayo