Weriye Cabdiqaadir Cabdirisaaq Jiijiile oo xalay lagu dhaawacay magaalada Kismaayo
May 30, 2013 - Written by EditorKismaayo:Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in koox hubeysan oo aan ilaa haatan la aqoon heybtooda ay xalay ku dhaawacday magaalada Kismaayo mid ka mid ah weriyeyaasha Radio Kismaayo oo lagu magacaabo C/qaadir Cabdirisaaq Jiijiile.
Weriye Cabdiqaadir Cabdirisaaq Jiijiile ayaa waxaa weerarka lagu dhaawacay uu dhacay xalay fiidkii xili uu ku sii jeeday gurigiisa oo ku yaal xaafadda Farjano ee magaalada Kismaayo. Dhaawaca Wariye Cabdiqaadir Jiijiile ayaa ah mid fudud waxaana dad goob jooga ay sheegeen in ciidamo ka tirsan kuwa DFS ay qabteen qof lagu tuhunsan yahay in uu qeyb ka ahaa weerarka lagu dhaawacay Wariye Cabdiqaadir Jiijiile.
Dilalka Wariyaasha Soomaaliyeed ayaa noqday tusbax furmay waxaana kooxaha geysanaya weeraradaan ay doonayaan in ay aamusiyaan wariyaasha ka howlgala gudaha Soomaaliya kuwaas oo aan lahay cid ilaalisa ama ka difaacda kooxaha ku Jihaadaya Wariyaasha.
Dhinaca kale ma jiraan ilaa haatan cid ka tirsan Maamulka JubbaLand oo ka hadlay weerarka xalay lagu dhaawacay Wariye Cabdulqaadir Jiijiile .Weeraraan ayaa ah kii koowaad ee lala beegsado wariye ka howlgala magaalada Kismaayo ilaa intii magaalada laga saaray kooxda Al-shabaab.
Cabdi Yare
Kismaayo