25 Sargaal oo ka tirsan ciidamada DFS oo shaqadii isaga tagay
October 14, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in 25 sarkaal oo ka tirsan DFS ay isaga tageen ciidanka DFS waxaana ay cabanayaan xuquuqda ay leeyihiin aqoonta ciidanka DFS oo loo diiday xuquuq doodii.Saraakiisha maanta ka tagay ciidanka DFS ayaa ku eedeeyey abaanduulaha ciidanka DFS waxaana ay sheegeen in hogaanka sare ee ciidanka DFS ay ku tagri falaan xuquuqda askarta ciidanka dowlada federaalka.
Col.C/risaaq Siciid oo ka mid ah saraakiisha ciidanka DFS oo shrjaraa,id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay inay shaqadii isaga tageen iyagoo gaaraya 25 sargaal ka dib markii ay u adkeysan waayeen musuqmaasuq ka jira taliyaasha sare ee ciidanka Miletariga Soomaaliy.
Madaxada DFS iyo Saraakiisha sare ee ciidanka dowlada ayaa ilaa haatan ka hadal shirka jaraa,id ay saraakiisha ka cabanaya taliyaha sare ee ciidanka DFS.
A/Cawale
Halgan.net