Bandhig cilmiyeed lagu qabtay magaalada Sheffield, UK.[masawiro]

October 3, 2013 - Written by Editor

IMG_7032Sheffield:-Bandhig cilmiyeed lagu soo bandhigay cilmibaaris mug weyn oo lagu sameeyey ganacsiga, hoggaaminta iyo bangiyada Islaamka iyo buugaag ku salaysan cilmibaaristaas oo ku qoran af-Soomaali ayaa, maalintii Axadda ee bisha Sibteembar ahayd 29-ka, lagu soo bandhigay magaalada Sheffield ee waddanka UK. Bandhig cilmiyeedkaan oo ahaa kii saddexaad ee noociisa ah ee lagu qabto waddanka UK, ayna iska kaashadeen, Saciid Cali Shire, qoraaga buugaagta Furaha Ganacsiga, Hoggaamiye iyo Bangiyada Islaamka, iyo xubno ka mid ah aqoonyahanka iyo waxgarad ka Sheffield ayaa waxaa ka soo qaybgalay dad badan oo isugu jira aqoonyahan, culimaa’uddiin iyo waxgarad.

Saciid Cali Shire, qoraaga buugaagta Furaha Ganacsiga, Bangiyada Islaamka iyo Hoggaamiye ayaa dadkii ka soo qaybgalay bandhig cilmiyeedka muuqaal mug weyn ka siiyey duruufaha nololeed ee ummaddeenu, gude iyo debedba, ku sugan yihiin. Wuxuu sidoo kale si cilmiyaysan dadka ula wadaagay siyaabaha duruufahaas lagu wejihi karo.

Saciid waxa uu dadka ugu bishaareeyey in dhammaan duruufaha hagaasiyey mujtamaceennu, nooc ay yihiinba iyo heer ay yihiinba – shaqo la’aan, faqri, degaan xumo, ku liidsho waxbarasho, tahriib, ku tiirsanaan cayr, maammul xumo – dhammaan la dawayn karo. Saciid wuxuu xusay in buugaagta uu qoray ay idanka Eebbe gacan ka geysanayaan sidii qofku xor ugu noqon lahaa masiirka noloshiisa.

Buugaagtan, oo ah daabacaaddii 2aad, sida intii hore u akhriday daabacaaddii hore ay dareemeen waxaa lagu soo kordhiyey waxyaabo badan. Buugaagta oo dhan waxaa lagu sameeyey dib u eegis buuxda oo dhinac kasta leh. Buugaagta qaarkood, sida Furaha Ganacsiga, waxaa lagu soo kordhiyey saddex cutub oo cusub; kuwo kale, sida Hoggaamiye iyo Bangiyada Islaamka, waxaa lagu soo kodhiyey cilmibaaristii ugu dambaysay ee lagu sameeyey mawaadiicdaas.

no images were found

Bandhig cilmiyeedkan oo intuu socday dadku ay su’aalo ku waydiiyeen qoraaga ayaa Saciid ka soo qayb-galayaasha la wadaagay in la galay seben aqooneed, seben heerka horumar ee qofka, qoyska iyo bulshaduba ku xiran yahay aqoonta ururtay ee qofka. Saciid wuxuu xusay in umamku samaysteen hiraal iyo himilooyin qeexan, dadkoodana u hilaadiyeen sidii lagu gaari lahaa hiraalkaas iyo himilooyinkaas. Saciid wuxuu dadka ku adkeeyey in haddaan rabno in aan asaageen gaarno aan u dhaqaaqno dhanka wax akhriska.

Saciid Cali Shire, oo ku dheeraaday waxyaabihii ka soo baxay cilmibaarista ayaa xusay in wax weyn laga qaban karo dhinacyada ganacsiga, hoggaaminta iyo sidii loo heli lahaa ama loo samayn lahaa maalgelin xalaal ah. Dhinaca ganacsiga, Saciid wuxuu xusay in haddii xirfadda iyo aqoonta ganacsatadeena  iyo dadka danaynaya ganacsiga sare loo qaado ay yagleeli karaan sharikaad iyo ganacsiyo ka dhex muuqda sayladaha ganacsiga. Dhinaca bangiyada Islaamka, Saciid wuxuu xusay in haddii dadkeennu fahmaan nidaamka maaliyadeed ee Islaaamka ay awood u yeelanayaan in ay yagleelaan ganacsi, sameeyaan maalgashi, yeeshaanna hanti iyagoon cabsi u qabin aakhiradooda iyo adduunkooda. Dhinaca hoggaamintana, Saciid wuxuu sheegay in jiritaankeenna qofeed iyo ummadeedba uu ku xiran yahay heerka fahankeenna hoggaaminta.

Haddaad u baahan tahay macluumaad dheeri ah oo la xiriira bandhig cilmiyeedka ama buugaagta ku salaysan buugaagta la xiriir Saciid Cali Shire, saidshire@hotmail.com.

 

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online