Booliska Kenya oo soo bandhigay muuqaal 2 dhalinyaro oo ay ku eedeeyeen weerarka Westgate.[Daawo]

October 7, 2013 - Written by Editor

Xareed-MaxamedNairobi:-Ciidanka Booliska ee dalka Kenya ayaa maanta waxaa ay soo bandhigeen sawirro iyo magacyo labo dhalinyaro ah oo ay ku sheegeen in ay ka qayb qaateen weerarka ka dhacay xarunta ganacsiga ee Westgate ee magaalada Nairobi. Saraakiisha Ciidanka dalka Kenya ayaa waxaa ay magacyada labadaan nin ee dhalinyarada ah ay magacyadooda ku sheegeen:-

1. C/qaadir Xareed Muxumad oo ku magac-dheer Muxumad Xuseen asal ahaan waa Soomaali Kenyaan ku dhashay magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari ee soomaalidu ay degan tahay.

2. Aadan Deeq oo ku magac-dheer Xuseen Cabdi Cali waxaa uu ka soo jeeda Soomaaliya.

Laamaha Sirdoonka ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegeen in ciddii soo sheegta labadaas nin ama xog ka keentay ay heli doonaa abaalmarin dhan $5,727 , Saraakiisha iyo Madaxda Kenya ayaa ilaa intii weerarku ka dhacay xarunta ganacsiga ee Westgate ee Nairobi waxaa ay saxaafada siiyeen warar iska horimaanaya oo ku saabsan tirad dadka fuliyey weerarkaan , howlgalkii ciidanka dalka Kenya ay ka sameeyeen West gate, khasaaraha gaaray ciidanka Kenya iyo weliba kooxda weerartay Westgate.

Hoos ka Daawo Muuqaalka CCTV oo ay Booliska dalka Kenya ay soo bandhigeen

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online