Cali Xaaji Warsame oo sheegay inuu yahay Musharaxa Madaxweynaha PL.[Masawiro/Dhagayso]

October 14, 2013 - Written by Editor

calixaajiGaalkacyo:-Waxaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in xilka madaxweynanimada Puntland uu u taagan yahay maareeyihii hore ee shirkada Isgaarsiinta ee Golis Cali Xaaji Warsame ka dib markii uu maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Musharax Cali Xaaji Warsame ayaa markii  uu soo gaaray duleedka magaalada Gaalakacyo  waxaa si weyn u soo dhaweeyey dadweyne fara badan , aqoon yahano, siyaasiyiin, waxgarad, iyo odayaal.

Musharax Cali Xaaji Warsame  ayaa markii uu soo gaaray gudaha magaalada Gaalkacyo waxaa loo galbiyey Hotelka Uunlaaye  halkaas oo uu kula hadlay saxaafad,  Musharax Cali Xaaji Warsame  ayaa waxaa uu aad ugu amaanay shacabka Puntlland guud ahaan gaar ahaan shacabka Gaalkacyo in ay yihiin kuwo u heelan taageerida shaqsi kasta oo wax tar u leh Puntlland uuna aad ugu amaanayo sidda wanaagsan oo ay u soo dhaweeyeen.

no images were found

Musharax Cali Xaaji Warsame ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ka bilaabo magaalada Gaalkacy kulamo uu la yeelanyo issimada Gobolka Mudug, siyaasiyiinta, aqoon yahanada iyo bulshada qaybaheeda kale si uu ugu bandhiga siyaasada uu doonayo in uu ku hogaamiyo Puntlland haddii xilka madaxweynanimada  uu ku guulaysto.

Hoos ka dhagayso  hadalkii uu u jeediyey saxaafada  Musharax Cali Xaaji Warsame

[audio:http://k002.kiwi6.com/hotlink/mp0ycxffw0/calixaaji.mp3] ama Halkaan ka dhagayso

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online