Ciidanka Amaanka Puntland oo galay xarumaha Shirkada Golis ee Garoowe iyo Boosaaso

October 12, 2013 - Written by Editor

golis1Boosaaso:-Shirkadda Is-gaarsiinta Golis ee ka howlgasha deegaanada dowladda Puntland  ayaa waxa loo haystaa in ay fariin SMS ah ay Mobilka ugu direen qaar ka mid ah  dadweynaha ku dhaqan Puntland taasi oo la yaabeen qaar ka mid ah shaqaalaha shirkada Golis iyo Masuuliinta Puntland. Magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa waxaa haatan ka socda kulan u dhexeeya masuuliinta shirkada Golis iyo Masuuliinta ka tirsan Puntland waxaana la wada dhowrayaa jawaabta ay ka bixiso Shirkada Golis.

GolisWararka qaar ayaa sheegaya in Shirkada Is-gaarsiinta Golis ay sheegtay in dirida fariimaha ay ka baxsan yihiin awoodeeda halka wararka qaar ay sheegayaan in ay tahay dicaayad iyada oo la hadal hayo in Maareeyihii hore ee Golis  Cali Xaaji Warsame uu isku sharixi doono Madaxtinimada Puntland.Ciidamada PIS-ta oo ay weheliyaan kuwa Booliska ayaa mudo saacado ah gudaha u galay xarumaha Shirkada Golis ee Garoowe iyo Boosaaso iyaga oo su,aalo weydiiyey madaxda Shirkada Golis.

Mareeyihii Guud ee Shirkada Golis ee xilka iska casilay ayaa warar hoose oo ay heshay Halgan.net waxay sheegayaan in uu isu soo sharixi doono Madaxweynenimada Puntland waloow uusan si rasmi ah saxaafada ugu sheegin  mudane Cali Xaji Warsame.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online