Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo howlgalo ka sameeyey Degmada Kaxda

October 21, 2013 - Written by Editor

howlgaloMuqdisho:-Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa saaka howlgalo culus ka sameeyey  degmada Kaxda oo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir waxaana ay ciidamada gacanta ku dhigeen  dhalinyaro lagu eedeeyey in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Kaxda Cabdi weli Yuusuf Axmed oo la hadlay warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howlgalada ay saaka sameeyeen ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab wuxuuna sheegay in howlgalada ay sii socon doonaan.

Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa saaka guriguri u baaray Degmada Kaxda waxaana dadweynaha ay aad uga cabteen qaabka ciidanka u baarayey guryaha iyo dhalinyaro ay xireen oo ay eheladoodu sheegtay in aysan ahayn Al-Shabaab.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ka nasatay dagaladii fool ka foolka ahaa waxaana ay saraakiisha ciidanka DFS ay la tacaalayaan dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ay Al-Shabaab ka fuliso gudaha Muqdisho.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online