Diyaarad Drones-ka oo duqeyn ka geysatay tuulada Dhaay Tubaako ee Jilib

October 28, 2013 - Written by Editor

DronesDRONESDRONES Jilib:-Wararka ka imaanaaya Degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, ayaa sheegaya in diyaarado loo maleynayo in ay laga leeyahay dalka Mareykanka ay duqeyn ka geysteen galabta Degmada Jilib waxaana ay duqeyntaan lala eegtay kolonyo baabuur ah oo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan ururka Al-shabaab ah. Dad goobjoogayaal ah ayaa saxaafada u xaqiijiyey in ay duqeynta ka dhacaday inta u dhexeyso Degmada Jilib iyo Deegaanka Xaramka, gaar ahaan tuulada Dhaay Tubaako.Warar hordhac ah ayaa sheegay in duqeynta ay ku dhinteen ilaa labo Sarkaal oo ka tirsan ururka Al-shabaab.

Halka ay duqeynta ka dhacday ayaa waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan Al-Shabaab iyaga oo qaaday meydkii labada sarkaal ee duqeynta ku dhintay .Diyaarad nooca Drones-ka loo yaqaan ayaa dilal qorsheyn ku dila saraakiisha Ururka Al-Qaacida iyo kooxaha ku fakirka ah waxaana ay duqeymadaas ka fuliyeen wadamada Soomaaliya  ,Yemen, Mali, Bakistaan iyo Afgaanistaan.

Warar aan ilaa haatan la xaqiijin ayaa sheegay in weerarka diyaarada Drones-ka ee ka dhacay tuulada Dhaay Tubaako ay ku dhintay madaxii kooxaha isqarxinta (Istishhaadiyiinta)Ibraahim Cali Cabdi kuna magacdheeraa (Adeer Cali) iyo Warsame Baalle.

Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadashay weerarka ay galabta diyaaradaha nooca Drones-ka loo yaqaan ay ku qaadeen baabuur ay la socdeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ee marayey tuulada Dhaay Tubaako .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online