Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika oo gaaray magaalada B/weyne
October 15, 2013 - Written by EditorHiiraan:-Waxaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Mohamat Saleh Annadif iyo taliyaha ciidanka AMISOM Jen Andrew Gutti waxaana garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyey Maamullada gobolka Hiiraan iyo kan Degmada B/weyne.
Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Annadif ayaa waxaa uu booqasho ku tagay xarunta ciidanka Jabuuti waxaana uu kulamo la qaatay saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS waxaana uu sidoo kale soo booqday xerada Lama-galaay halkaas oo ay tababar ku qaadanayeen ciidamo Boolis ah oo ka tirsan DFS.
Taliyaha ciidanka AMISOM Jen Andrew Gutti ayaa waxaa uu saxaafada u sheegay in 100 askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM ay keeni doonaan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan kuwaas oo tababar siin doona ciidanka Booliska ee gobalka Hiiraan .
A/Cawale
Halgan.net