Goballada dalka Soomaaliya oo si weyn looga ciiday maanta

October 15, 2013 - Written by Editor

Ciid_-MubaarakWaxaa maanta si weyn looga ciiday magaalooyinka waaweyn ee dalka soomaaliya  waxaan la arkayey dadweynaha oo iskugu soo baxay Fagaarayaasha lagu tukanayo iyo Masaajidda waaweyn iyagoo ku labisan  dhar aad u qurxoon wax aadna ka dheehan kartaa wajiyada dadweynaha iyo caruurta farxad iyo reynreyn .Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud ayaa salaadii ciida kula tukaday Shacabka Masjidka Weyn ee Masjidka Isbaheeysiga Islaamka.

Salaadii Ciida ee maanta ayaa waxaa masuuliinta u sareysa DFS ay ku wada tukadeen Masjidka Isbaheysiga Islaamka waxaa kale oo Masjidka Isbahaysiga ku tukaday , Wasiiro Xilidhibaano ,guddoomiyaha gobolka Banaadir , Saraakiil ciidan ,odayaal iyo  culimo;udiinka iyo bulshada qaybaheeda kale duwan.

Sidee looga ciiday magaalada Garoowe ?
Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa si weyn looga ciiday waxaana saaka la arkayey dadweynaha oo si weyn iskugu soo baxay oo iskugu tahniyeynaya ciida , magaalada Garoowe ayaa waxaa ka muuqday bilic aad u wanaagsan.Goobta lagu tukaday salaada ciida ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha ku xigaanka Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Puntland Gen.Cabdi samad Cali Shire, gudoomiyaha baarlamaanka Puntland , Wasiiro , Saraakiil ciidan ,Culimo,udiin  ,Salaadiin iyo dadweyne aad u tiro badan.

Waxaa kale oo maanta si weyn looga ciiday magaalada Boosaaso ,Qardho ,Dhahar ,Badhan, Ceerigaabo,Buuhoodle,Laascaanood Baladweyne Ceelbuur ,Kismaayo iyo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi ayaa maanta sidoo kale si weyn u ciiday waxaana dadweynaha ka muuqaday farxad waxayana iskgu hambalyeynayeen ciida adxaa.

Masawirada sida loo ciiday ayaan dib idinkaga  soo  gudbin doonaa insha Allaahu

Cabdi yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online