Golaha isutaga Masaajida ee W/Mareykanka oo Hambalyo u diraya Shacabka Soomaaliyeed

October 15, 2013 - Written by Editor

eidmubarakGolaha isutaga Masaajida ee W/Maraykanka waxay tahniyad ku aadan Ciidul-Adhxaa ugu tahniyadaynayaan Dhamaan Umada Islaamka ah.Gaar ahaan Umada soomaliyeed,dal iyo dibadba.

كل عام وانتم بحيرو, تقبل الله لنا ولكم صالح الآعمال .

نهنئكم حلول العيد السعيد و نرجو لكم دوام الصحه

وجميع المسلمين بخير و عافيه ويعود علينا العيد نقولها لكم من العايدين

Waxaana leenahay illaahay hanaga aqbalo camalka kiisa fiican,ciidaan ciideeda kalana ilaahay hanagu gaarsiiyo Cibaado suuban iyo Cimri dheer oo iswato.

Sidoo kale goluhu wuxuu illaahay ka baryahayaa in umada islaamka ah gaar ahaan umada soomaaliyeed ka dulqaado dhibaadata ku raagtay oo dal,dad,iyo duunyaba baa’bi isay,Waxaana u rajaynaynaa inuu illaahay dawlad caadil ah oo kitaabka allaah wax ku xukuntaa illaah u dhaliyaa..Amiin-Amiin.Goluhu Wuxuu si gaar ah ugu Dardaarmaya Jaaliyadaha ku nool wadanka dibadiisa arimahan hoose:-

  1. In lagu dadaalo ku toosnanta Awaamiirta Illaahiga ah,waana waxa sharfata lagu gaaro aqiro iyo adoonba.
  2. In jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool qurbaha ay ku dadaalaan ku xirnaanta Masaajida iyo Madaarista islaamiga ah,rag dumar ,iyo caruurba.
  3. Jaaliyada somaaliyeed ee qurbaha ku nool waa inay ku dadaalaan isku duubnaanta,kana fogaadaan cudurada dilooday soomaalida,dhaxalsiiyayna dhibaatada haysataa manta,sida Qabyalada iyo xaasidnimada.
  4. Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha waa inay ku dadaalaan barashada ciliga sharciga ah si ay ugu badbaadaan qurbaha ay joogaan uguna nabad gasho diintooda
  5. Jaaliyadu waa inay ku xirnaadaan Culimadooda si ay uga badbaadaan arimo badan oo is dhexgalay,dhaawacayana diintooda toosan,loona ikaysiinayo diin,sida ku milanka dadyowga kale oo aanan diinta saxda ah haysan.
  6. Waaridiinta dhalay dhalinta da’da yar ee ku nool qurbaha,waxaan u dar daarmaynaa inay ka warqabaan caruurtooda,lana socdaan dhaqdhaqaaqooda.

XAFIISKA DACWADA IYO ICLAAMKA  EE  GOLAHA ISUTAGA MASAJIDA W/MARAYKANKA.

Minneapolis/Mn.    Xafiiska  Phone :612-298-3638. Emalika :GolImams@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online