Golaha Wasiirada DFS oo ansixiyey heshiis dhexmaray DFS iyo shirkad Turki ah

October 27, 2013 - Written by Editor

golaha_wasiiradaMuqdisho:-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan aan caadi ahayn ku yeesheen xaruntooda Muqdisho waxaa looga dooday kordhinta Miisaaniyadda sanadaka 2014-ka, heshiis dhowaan dhex maray wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka badda iyo Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Al Bayrak taasoo la wareegi doonta maamulka iyo horumarinta howlaha dakadda weyn ee Muqdisho.

Kulankan oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Sacaaid” ayaa waxaa ugu horeyntii diiradda lagu saaray kordhinta Miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2014-ka, waxayna Golaha Wasiiradu falanqeyn dheer kadib isla garteen in la kordhiyo Miisaaniyadda, maadaama la filayo inay kordhaan waxqabadka hay’addaha dawladda, gaar ahaana Wasaaraddaha iyadoo dhowaan shirkii caalamiga ahaa ee Brussels oo loogu yaboohay Soomaaliya dhaqaale aad u badan oo lagu dhisayo dalka .

Sidoo kale, kulankan gaarka ah ayay Golaha Wasiiradu dood dheer kadib ay si buuxda u ansixiyeen heshiis dhex maray bishan October 24-keedii Wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka badda iyo shirkad Turki ah oo lagu magacaabo Al Bayrak, taasoo maamuli doonta muddo 20 sano ah howlaha dakadda, iyadoo shirkaddu ay dayactir, qalabeyn, iyo casriyeyn-ba ku sameyn doonto dakadda Muqdisho.

Afhayeenka Xukuumada Mudane Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo shirka golaha kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in adeegyada ay dakaddu qabato, marka laga tago Canshuuraha, ay ka soo xaroodaan lacag dhan $200,000-$300,000 (Labo boqol illaa saddex boqol oo kun), lana rajeynayo in marka ay shirkaddani la wareegto maamulka dakadda ay gaarsiin doonto 6.5 Milyan oo Dollar iyadoo muhimad gaar ah la siinayo in la kordhiyo dakhliga dawladda Soomaaliya.

Dhanka kale, Afhayeenka Xukuumada ayaa sheegay in golaha Wasiiradu ay tacsi u diray allaha u naxariistee wariye Maxamed Maxamuud “Timacadde” oo u geeriyooday dhaawacii dhowaan ay u geysteen kooxo dhagar qabayaal ah, waxayna tacsi u direen qoyskii, Qaraabadii iyo bahda warfaafinta Soomaaliyeed. Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay marna u dulqaadan doonin xadgudubyada noocan oo kale ah ee lagu weerarayo wariyayaasha Soomaaliyeed

-Dhamaad–
Garad Salad Hersi
Press officer, PM office

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online