Golaha Wasiirada oo shirkooda uga dooday qodobo muhiim ah[War-saxaafadeed]

October 3, 2013 - Written by Editor

IMG_0917Muqdisho, October 3,2013—–Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin shirka dib u heshiisiinta ee Jubba, heshiiskii shirkadda Sahminta shidaalka ee Soma Oil and Gas Exploration, iyo warbixinta safarkii Ra’iisul Wasaaraha ee dalalka Switzerland iyo Turkey.

Ugu horeyn, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada ayaa warbixin dheer ka siiyay golaha, safaradii uu dhowaantan ku tegay dalalka Switzerland iyo Turkey, wuxuuna xusay in safaradaasi ay ku soo idlaadeen natiijo wanaagsan, isaga oo si gaar ah u xusay in shirkii horumarinta xaquuqul insaanka ee ka dhacay Geneva in lagu ammaanay dawladda Federaalka Soomaaliyeed dhowrista xaquuqda bani’aadamka, gaar ahaana soo dhoweynta bulshada rayidka, sinnaaanta beelaha, xuquuqda dumarka, ka hortagga kufsiga, ka hortagga askaraynta caruurta iyo siyaasadda difaaca howlwadeenada warbaahinta.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyay golaha Wasiirada kulamadii madaxda dalka Turkey, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay heshiisyo iskaashii oo ay la soo galeen, taasoo hay’addaha gargaarka dawladda Turkey ay ka fulin doonaan gudaha dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirada Gaashaandhigga iyo Arrimaha Gudaha ayaa warbixin dhanka amniga ah siiyay golaha, waxaana Wasaarada arrimaha gudaha ay xustay inay todobaadkan howlgalo la sameeyey lagu soo qabtay xubno dhagar qabayaal ah oo ka tirsan kooxda Shaabab, kuwaasoo maleegayay falal ka dhan ah amniga, gaar ahaana howlgal ay ciidanka amnigu ka sameeyeen degmada Shibis oo lagu soo qabtay 4 xubnood oo ka tirsan nabadiidka iyo hub fara badan.

Golaha Wasiirada ayaa shirkoodan caadiga ah maanta sidoo kale uga hadlay xaaladda nololeed ee gobolka Bakool, gaar ahaana Degmada Xudur oo laga soo sheegayo duruufo nololeed oo aad u adag, waxayna goluhu u magacaabeen guddi heer wasiir ah uuna madax u yahay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshaddaha, kuwaasoo ka soo talo bixin doona sida ugu macquulsan ee gargaar loo gaarsiin karo.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa maanta dib u dhigay shirkii dib u heshiisiinta ee arrimaha Jubba, waxaana shirkaasi qabsoomi doonaa 21-ka bishan October, waxaana inta ka horeysa jiri doona diyaar garow buuxa oo ku saabsan qaban qaabadda shirka guud ahaan.

Ugu dambeyntiina, Golaha Wasiirada ayaa ogolaaday heshiis shidaal Sahmin ah oo ay Wasaaradda Kheyraadka dalka la gashay shirkad lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration, taasoo sahmin ku sameyn doonta qeybo ka mid ah badda iyo berriga oo baaxadiisu dhan tahay 60’000 oo KM Square. Waxayna goluhu soo dhoweeyeen siyaasada dawladda ee horumarinta maalgashiga iyo kobcinta dhaqaalaha si looga baxo faqriga.

Garad Salad Hersi

Press officer, PM office

Mob.+252-61-5536608

Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online