Isku soo bax Roob doon ah oo ka dhacay magaalada Garoowe[Masawiro]

October 21, 2013 - Written by Editor

shmaxamuudGaroowe:-Waxaa maanta ka dhacay Magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal isku soo bax Roob doon ah,  oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe waxaana isku soo baxaas ay alle ku weydiisteen in uu siiyo roob raxmad leh oo lagu diirsado .Isku soo baxaan ayaa waxaa ka qayb qaatay dadweyne magaalada Garoowe, culimo’udiinka, ardayda skuulada ,Wasiiro ka tirsan maamulka Puntlland iyo qaar ka mid ah Saraakiisha ciidanka nabadsugida Puntland.

Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf  ayaa waxaa uu wacdi dheer u jeediyey dadweynihii ka soo qayb galay roob doonta isagoo ku waaniyey in alle  ay u soo  laabtaan kana fogaadaan dunuubta si alle uga aqbalo ducadooda. Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf  ayaa waxaa kale oo uu ku waaniyey  dadweynihii iskugu soo baxay salaad Roob doonta in ay is cafiyaan oo wixii xumaan oo ka dhexaysaa ay iska ilaawaan si alle uga aqbalo ducadooda.Dhinaca kale Wasiir ku xigeenka Cadaalada Cabdiqaadir Yuusuf oo la hadlay dadweynaha ayaa ku waaniyey in la isku naxariisto Allana laga baryo in alle ducadooda ka aqblo isagoo ugu danbayntii ku waaniyey dadweynaha in ay la shaqeeyaan ciidanka amaanka si loo sugo nabadgelyada.

Magaalooyinka waaweyn ee degaanada Puntlland ayaa inta badan waxaa ka da’ay Roobkii dayrta waxaan dadku heleen nimcadii Alle kuwaas oo ay ku diirsaday dadka iyo duunyadaba.

no images were found

 

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online