Lacag deeq ah oo la soo gaarsiiyey Jaamacadda Bariga Afrika ee Buuhoodle.[Masawiro]
October 8, 2013 - Written by EditorBuuhoodle:-Xarunta jaamacada bariga afrika Faraceeda Buuhoodle waxaa lasoo gaadh siiyey Deeq lacageed oo cadadkeedu dhan yahay 8000 iyo 70 dolar waxaana soo gaadhsiiyey Jaaliyadda Soomaliyeed ee dalka Maraykanka islamarkaana jooogta gobalka Minnesota waxaana ka soo qayb galay wareejintii lacagtan qaar ka mid ah culumada wax garadka gobalka Cayn iyo madax boodhka jaamacada.
Ugu horayna waxaa munaasibadaan lagu wareejinayey lacagta madaxa boodhka jaamacadda bariga afrika Sh.Cabdirashiid Xaaji Samatar iyo maamulaha Jaamacadda Bariga Afrika Sh.Abdishaafi Axmed Cali waxaa isna madasha lacagtani lagu wareejinayey ka soo qayb galay Caaqil Cabdisamad Cali Xassan halka ugu danbayna uu munaasibadani uu soo xidhay Suldaan Siciid Cismaan oo ka mid ah Isimada magaca weyn ku leh guud ahaanba deegaanada.
no images were found
Xarunta Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Buuhoodle waxay in mudo ah ka shaqaynaysay gudaha magaalada Buuhoodle waxaana xusid mudan xarunta jaamacadu mudadii ay jirtay in ay soo saartay Arday tayo leh waxaana wax ka barta arday iskugu jirta ganacsato iyo waali diin dhalinyaro haween iyo qaybaha bulshada oo dhan. Xaruntani jaamacada bariga afrika ayaa waxay hoos tagtaa Jaamacada Bariga Afrika Fareecada magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.
Halgan.net