Maareeyihii Guud ee Shirkada Golis Cali Xaaji Warsame oo xilka wareejiyey.[Daawo]

October 11, 2013 - Written by Editor

1Boosaaso:-Maareeyihii Guud ee Shirkada Golis Cali Xaaji Warsame ayaa shalay xilka ku wareejiyay Aadan Sheekh Doon oo ka mid ah maamulka sare ee Shirkada Golis ahaana jiray mar Maareeyihii guud ee Shirkada Golis. Xaflada uu maareeyihii hore ee Shirkada Golis ku wareejiyey xilka ayaa waxaa ay ka dhacday xarunta guud ee shirkasa Golis ee magaalada Bosaaso, xaflada xil wareejinta maareeyihii hore ee shrkada Golis ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxda ugu saraysay ee Shirkada Golis oo ay ka mid ahaayeen madaxa ganacsiga Cumar Ciise Maxamed Cumar Faaruuq iyo madaxa Suuqgeynta ee Golis C/raxmaan C/laahi Jaamac Dayax iyo masuuliyiin kale.Maareeyihii hore ee Shirkada Isgaarsiinta ee Golis Cali Xaaji Warsame oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in xilka uu isagu iska casilay arrimo u gaar ah oo uusan shaacin isagoo ku amaanay Shirkada Golis iyo hogaankeed in ay dhexmartay wada shaqayn hufan iyo iyagoo ku talaabsaday waxqabad la taaban karo.

Dhinac kale waxaa isagana la hadlays saxaafada Maareeyaha cusub ee Shirkada Golis Aadan Sheekh Doon oo si ku meel gaar ah u sii hayn doona xilka isagoo sheegay in hogaanka Boorka ee Shirkada Golis ay dhawaan dooran doonaa maareeyaha cusub ee Shirka Golis si howsha ay u sii socoto.

Maareeyaha cusub ee Shirkada isgaarsiinta Golis Aadan Sheekh Doon ayaa ku amaanay maareeyihii hore ee shirkada Golis Cali Xaaji Warsame howl karnimo iyo Shirkada Golis oo ku talaabsaday horumar la taaban karo taas oo bogaadin mudan. Maareeyihii hore ee Shirkada Isgaarsiinta ee Golis Cali Xaaji Warsame aya waxaa xilka maareeyanimada shirkada Isgaarsiinta Golis uu la wareegay 11/6/2012.
Hoos ka Daawo xil wareejintii Maareeyihii hore ee Shirkada Isgaarsiinta ee Golis Cali Xaaji Warsame

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online