Madaxweynaha DFS oo Cambaareeyey Qaraxii ka dhacay magaalada Beledweyn
October 19, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta si kulul u cambaareeyey Qaraxii ismiidaaminta ee ka dhacay magaalada Beledweyn oo halkaas dad aan waxba galabsan isku qarxiyey.
Madaxweynaha ayaa yiri “Falkan is-qarxinta waa mid ay kooxaha nabad diidka ah ku diidanyihiin horumarka shacabka iyo nabadeynta, waa mid fuleynimo ah oo aan dhaqanka diinta iyo kan Soomaalinimadaba ku dhisneyn oo ah afkaar shisheeye oo dalka naloo keenay. Shaqsigan is qarxiyey waxuu si aan naxariis laheyn isagu qarxiyey shacab aan waxba galabsan. Tani waxey na tuseysaa in kooxaha Al-Shabaab ay ka soo hartay mintidnimo iyo is qarxin oo looga guuleystay dagaalkii fool ka foolka ahaa.”
Madaxweynaha oo tacsi u diraya shacabka ayaa yiri “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan Soomaalida, gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii intii ku geeriyootay qaraxan ismiidaaminta ah, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu jannaddii fardowsa ka waraabiyo, inta dhimatayna inuu EEBBE u fudueeyo oo ay si dhaqsi leh ku bogsadaan.”
-DHAMAAD –
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson
Office of the President of Somalia