Madaxweynaha DFS oo kulan la qaaday Saraakiisha sare ee ciidanka DFS

October 8, 2013 - Written by Editor

IMG_4319[1]Muqdisho:-Madaxweynaha  Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta  Villa Soomaaliya  kulan kula-qaatay Sarakiisha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Kulanka  waxaa qayb ka ahaa  Wasiiraka Gaashaandhigga C/Xakiim Xaaji (Fiqi)  iyo Abaanduulaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/Risaaq Khaliif Cilm.

Marka hore Abaanduulaha Ciidamadda Xoogga ayaa  warbiixn kooban siiyey Madaweynaha Soomaaliya ka dib ayaa Wasiirka Gaashaandhigga sheegay guulahii  ugu dambeyey oo ay Ciidamadda Xoogga Dalka gaareen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa  ku ammaanay Ciidamadda  dadaalada dheeradka ah iyo howlgalladda lagu  dabar-goynayo kooxda Al Shabaab” Waxaan aad iyo aad ugu qanacsanahay  isbeddelada iyo dardarta Ciidamadda Xoogga iyo waliba sida geesinimada leh ee uu dagaalamyo askariga Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweynahu.

“ Waxaan hubaa in askariga Soomaaliyeed  ee ka adkeysi badan yahay kuwa caalamka kana dulqaad badan yahay dhan walba, marka loo fiiriyo duruufaha ciidankeennu ku jiro, haddana iyadooo sidaa  tahay ka xorreynaya dalka Al Shabaab Tusaale ahaan Dhowaan  Degmada Mahadaay ayey xorreyeen ciidankeennu waliba iyagoo kooban, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa  kula dardaarmay  Saraakiisha iyo Ciidamadda Xooggga dalka inay ilaaliyaan Karaamada  Umadda  Soomaaliyeed “ haddii aan rabno in aduunka qiimi kulahaano Qarannimaddii Soomaalyeedna  si buuxda u soo celino, waxay ku xiran tahay  Ciidank, Ciidankuna in uu qiimi lahaadana waxay ku xiran tahay in shacabka  la dhowro lagana ilaaliyo kuwa cadowga ku ah”ayuu yiri Madaxweynaha.

“Dowladda waxay go’aan ku gaartay inay muhiimadda Koowaad siiso ciidanka dhanka mushaar bixinta, lacagta Dowladda soo gasho, waxa ugu horeeyo ee laga bixiyanayo waa Mushaarka Ciidanka” ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambeyntii Saraakiisha Ciidamadda Xooga Dalka ee kulanka la qaatay Madaxweynaha ayaa ballan qaaday  kor u qaadista aqlaaqada Ciidamadda iyo ilaalinta xaqdhowrka shacabka Soomaaliyeed iyo  sidoo kale dhammeystirka howagalladda dalka looga xorreynayo Kooxa Al Shabaab.
Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online