Madaxweynaha DFS oo la kulmay Madaxda Turkiga, kuna soo laabtay Muqdisho

October 30, 2013 - Written by Editor

IMG_6170Muqdisho, 30 October 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa maanta ku soo laabtay Muqdisho ka dib safar hal maalin ah oo uu ku tegey dalka Turkiga oo uu Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Turkiga kula soo kulmay, isla markaana khudbad taariikhi ah ka jeediyey xafladda sanadguurada 90aad ee markii la aasaasay Jamhuuriyadda Turkiga.

Madaxweynaha ayaa Madaxda Turkiga kala hadlay xiriirka qotoda dheer ee labada dal iyo sida uu ugu faraxsanyahay doorka hoggaamineed ee Turkigu ka qaateen arrimaha Soomaaliya iyo mashaariicda baaxadda leh ee ay ka fulinayaan Soomaaliya sida waxbarashada, caafimaadka, iyo dib u dhiska dalka. Madaxweynahu waxuu ku dhiiri geliyey in Turkiga ay hanteen kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan inay sii kordhiyaan taageeradooda. Madaxda Turkiga ayaa sheegtay inay ka go’antahay taageerada iyo is-garab istaagooda.

Madaxweynaha ayaa ka qeybgalay xafladda 90 guurada markii la aasaasay Jamhuuriyadda Turkiga, isla markaana halkaas ka jeediyey khudbad taariikhi ah oo uu shacabka Turkiga ugu sheegay sida ay shacabka Soomaaliyeed ugu qanacsanyihiin taageerada Turkiga.

Madaxweynaha ayaa shalay ka hadlay shirka muhiimka ah ee maanta oo bishu tahay 30 October ka dhacaya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo looga hadlayo sidii loo taageeri lahaa ciidanka Dowladda. Madaxweynahu waxuu yiri “Waxaan ka cod saneynaa Golaha Ammaanka inay soo saaraan qaraar cad oo qeexaya in ciidamada dowladda laga taageero dhinacyada logistikada, mushaaraadka, caafimaadka, iyo hubka fud-fudud si Al-Shabaab looga saaro dalka oo dhan. Waxaana sugeynaa in Golaha Ammaanka ay tixgelin weyn siiyaan fikirkan saliimka ah oo ka yimid dowladda Soomaaliya isla markaana ay taageereen Midowga Afrika, isla markaana Xoghayaha Guud ee QM uu isna taageeray.”

Madaxweynaha oo la socday diyaarada Turkish Airlines ayaa diyaaradda gudaheeda gacan qaaday shacabkii saarnaa isla markaana dhageystay tallooyinkooda.

– DHAMAAD –
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson
Office of the President of Somalia

 

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online