Madaxweynaha DFS oo la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismail Omar Gelle

October 12, 2013 - Written by Editor
IMG_4505Addis Ababa:– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismail Omar Gelle ka hor shirka Madaxweynayaasha Midowga Afirka.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, arrimaha amaanka Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM oo Djibouti ay xubin ka tahay iyo arrimaha shirka Midowga Afrika oo looga hadlayo xiriirka u dhaxeeya Midowga Afrika iyo Maxkamadda Danbiyada Caalamiga ah.
Madaxweyne Xasan Shiekh Maxamud ayaa si gaar ah uga mahadceliyey Madaxweyne Ismail Omar Gelle doorkiisa ku aadan arrimaha Soomaaliya iyo sida ciidamada Djibouti ay howlo wanaagsan uga hayaan dalka Soomaaliya oo ay bulshada Soomaaliyeed kalsooni buuxda ka sameysteen.
Labada Madaxweyne shirkooda ka dib waxey ka wada qeybgaleen shirkii Midowga Afirka oo ajendayaasha looga hadlayo maanta ay yihiin xiriirka Midowga Afrika iyo Maxkmadda Danbiyada Caalamiga ah, falalka aragagaxiso ee ka dhacay dalalka Kenya iyo Nigeria.
Waxaa shirka Madaxweynayaasha Afrika furay Madaxa Midowga Afrika Ms Zuma iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Ethiopia oo labadaba sheegey in Midowga Afrika dhowr jeer cabashooyin u gudbiyeen Maxkamadda Danbiyada Caalamiga ah, hase yeeshee aan waxba laga qaban cabashooyinkaas. Sidoo kale labada mas’uul waxey sheegeen in Maxkamadda Danbiyada Caalamiga ah ay si gaar ah u beegsato madaxda Afrika, taasoo aan caddaalad aheyn.
Madaxweynayaasha Afrika ayaa weli ka doodaya xiriirka Midowga Afrika iyo Maxkamadda Danbiyada Caalamiga.
– DHAMAAD –
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson, Office of the President of Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online