Madaxweynaha DFS oo qaabilay Wasiiradda Arrimaha Dibedda, Ganacsiga iyo Horumarka Caalamiga ee dalka Holland.

October 28, 2013 - Written by Editor

5Muqdisho, 28 October 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Lilianne Ploumen oo ah Wasiiradda Arrimaha Dibedda, Ganacsiga iyo Horumarinta Caalamiga ee dalka Holland oo ay la socdeen Shirkado ganacsi oo waaweyn oo raba inay dalka maalgeshi ku sameeyaan.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Wasiiradda Holland booqashadeeda ay ku timid dalka Soomaaliya oo ah calaamad xoogan oo tuseysa horumarka ballaaran ee ay Soomaaliya ku tallaabsatay. “Booqashadaadu waxey ka mid tahay wafdiyo caalami ah oo beryahan soo booqanyey Soomaaliya, aad iyo aad baana ugu faraxsanahay inaan Wasiiradda maanta ku soo dhoweeyo dalka, oo na tuseysa horumarka ammaanka ee ka jira dalka Soomaaliya iyo sida ay beesha caalamku u aqoonsanyihiin Soomaaliya.

“Xiriir qoto dheer baa labadeena dal ka dhaxeeya, oo weliba Holland ay degen yihiin Soomali badan. Waxaan dowladda Holland uga mahadcelinayaa dadaalkooda iyo is-garab istaaga ay nala garab joogaan inay na saacidaan. Qorshaha New Deal-ka iyo dokumentigii loogu magac daray Compact-ka ayaa noo ah bilow fiican oo tusineysa xiriirka caalamka iyo Soomaaliya. Dokumentiga Compact-ka waa mid Soomaali sameysatay oo qeexaya baahida dib u dhiska dalka ee muddada 3da sano ee soo socota. Waxaana ka rajeyneynaa dowladda Holland inay qorshahaas nala garab istaago si aan ugu guuleysano in dalkan dib loo dhiso dhammaan hay’adihii dowliga isla markaana bulshada Soomaaliyeed la wada gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.”

Kulanka Madaxweynaha iyo Wasiiradda ka dib, ayaa waxey si wadajir ah ula wada hadleen saxaafadda.

“Maalgashi caalami ah iyo xiriir caalami ah ayaa Soomaaliya dib ugu soo noqday, waana inaan fursadahaas aan ka faa’iideysanaa oo aan caalamka tusinaaa in Soomaaliya ay nabad tahay oo la maalgeshan karo, si dhalinyaradeena ay u helaan fursado shaqo oo muhiim u ah horumarka dalka..”

“In Dowladda Holland ay shirkadaheeda caalamiga ah ay yimaadaan Soomaaliya waxey caddeyn u tahay horumarka ballaaran ee sanadkii la soo dhaafay laga gaaray dhinacyo badan, oo tuseysa in caalamku diyaar u yahay inay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya. Dowladdu waxey waddaa shuruucdii maalgashiga oo baarlamaanka horyaalla oo tusaya in ganacsida iyo maalgashiga Soomaaliya ay yihiin kuwa sharciyeysan oo keeni kara in dhaqaalaha dalka uu kordho. “ Ayuu madaxweynahu ku soo gabogabeeyey hadalkiisa.

– DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Senior Advisor & Spokesperson, Office of the President of Somalia, yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com, Twitter: @thevillasomalia or @engyarisow +252615479911

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online