Madaxweynaha DFS oo qaabilay xubnaha Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika

October 25, 2013 - Written by Editor

IMG_5493Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika isla markaana kula dar-daarmay in Ciidamada Soomaaliya loo helo tasiilaadkii iyo dhaqaalihii ay u baahnaayeen.

Madaxweynaha waxaa kulanka ku wehliyey Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ethiopia iyo Midowga Afrika iyo mas’uuliyiin kale. Dhanka Midowga Afrika waxaa hoggaaminayey wafdiga Safiirka Djibouti u fadhiya Ethiopia iyo Midowga Afrika oo hadda ah Madaxa Golaha Ammaanka Afrika. Sidoo kale waxaa wafdigan la socday Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo taliyaha Ciidamada AMISOM.

Wafdigan ka socday Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa waxey sheegeen inay u yimaadeen inay Madaxweynaha, Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba ay tusaan inay garab taaganyihiin, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan sidii Soomaaliya ay u noqon laheyd dal amni ah oo horumar ballaaran ku tallaabsada.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey wafdigan imaatinkooda Soomaaliya iyo sida ay u daneynayaan in Soomaaliya ay noqoto dal nabad ah oo horumar dhan walba ka sameeya. Madaxeynaha ayaa warbixin kooban siiyey wafdiga oo uu sheegay in Soomaaliya ay maanta horumar dhan walba ah ku tallaabsatay loona baahanyahay in Midowga Afrika iyo caalamka intiisa kaleba ay taageeraan ciidamada Soomaaliya si loo soo afjaro dagaalka kooxaha Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika uga mahadcelinayaa inay tixgeliyeen codsigii dowladda Soomaaliya ee ahaa in la taageero ciidamada Soomaaliya, isla markaana 30ka Octoober Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey laga filayo inay ka soo saaraan qaraar dalbanaya in la taageero ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. Waxaa marag ma doonto ah in waddamada Afrikaanka ee wallaaaha aan nahay ay noo soo gurmadeen isla markaana guulo waaweyn oo la taaban karo laga gaaray la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah, tanoo tusineysa caalamka in Afrika ay xalinayaan dhibaato Afrikaan ah.”

30ka Octoober ayaa lagu wadaa in Golaha Ammaanka ee QM ay dhageystaan warbixin ay QM iyo AU ay si wadajir ah qiimeyn ugu soo sameeyeen xaaladda Soomaaliya oo ay sheegeen in Ciidamada Soomaaliya ay iyagana u baahanyihiin kaalmada uu caalamku siiyo AMISOM, isla markaana uu golaha ammaanka ee QM ay ka soo saari doonaan qaraar ay ku taageeri doonaan go’aankaas guddiga wadajirka ah oo Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika ay iyagana oggolaadeen una gudbin doonaan Golaha Ammaanka ee QM.

-DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman
(Eng. Yarisow)

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online