Madaxweynaha DFS Waa in sharciga la horkeeno cidii isku daydey inay disho wariye Timocadde

October 22, 2013 - Written by Editor

xassanMuqdisho, 22 October 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa si kulul u cambaareeyey falkii isku dayga dilka ee loo geystay Wariye Maxamed Maxamud Timacadde oo u shaqeynayey Universal TV, isla markaana hay’adaha amniga ku amray in sharciga la horkeeno cidii isku dayga dil u geystay Timacadde oo haatan isbitaal ugu jira dhaawacii ka soo gaaray falkaas arxan la’aanta ah.

 Madaxweynaha ayaa yiri ” Waa in sharciga la horkeeno cidii isku daydey inay disho wariye Timocadde. Maamulka Universal TV, shaqaalaha iyo dhammaan bahda saxaafadda waa inaad sii labo jibaartaan howlaha muhiimka ah ee aad ummadda u heysaana, si loo tuso kooxahan dhagar qabayaasha ah inaysan marnaba ku guuleysaneynin inay aamusiyaan saxaafadda. Waxaana EEBBE ka baryayaa inuu dhaawaca u sahlo Timocadde si uu si dhaqso leh uga soo kabto dhaawacii saakay ka soo gaaray isku daygii dilka ee kooxaha nabad diidka ah ay marwalba doonayaan inay caalamka tusaan in Soomaaliya aysan nabad aheyn.”
Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii yiri “Looma dulqaadan doono falalka sida tooska ah loogu raadsanayo wariyeyaasha Soomaaliyeed, dowladdana waxaa ka go’an in maxkamadda la soo hortaago cid allaale iyo cidii lagu helo inay ka danbeeyaan falalka noocan oo kale ah.”
                                                                         -DHAMAAD –
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Senior Advisor & Spokesperson, Office of the President of Somalia
yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com, Twitter: @thevillasomalia or @engyarisow

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online