Madaxweynaha DFS Xasan Sh oo gaaray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga

October 29, 2013 - Written by Editor

IMG_5938Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyey magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Madaxweynaha waxaa ku wehliyey safarkan Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda, Jamaal Maxamed Barrow, xildhibaano, iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta la kulmaya Madaxweynaha Turkiga Abdullah Gul iyo Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo uu kala hadli doonaa xiriirka labada dal, isagoo Madaxweynaha Soomaaliya uu uga mahadcelin doonaa doorkii hoggaamineed ee Turkigu ka qaatay arrimaha Soomaaliya oo bedeshay sida uu caalamku ula dhaqmo Soomaaliya. Sidoo kale Madaxweynahu waxuu kala hadli doonaa shirka berri ka dhacaya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo looga hadli doono sidii loo taageeri lahaa Ciidanka Dowladda si loo soo afjaro dagaalka kooxaha Al-Shabaab, bacdamaa Madaxda Turkiga ay garab istaagan yihiin Soomaaliya isla markaana ay caalamka si aad ah ugu ololeeyaan in Soomaaliya la garab istaago.
Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya xafladda munaasabadda 90 guurada markii Turkiga uu xornimada qaatay oo ku beegan maanta 29ka October 2013. Madaxweynahu waxuu halkaas ka jeedin doono khudbad taariikhi ah oo uu shacabka Turkiga uga mahadcelin doono garab istaaga iyo wallaaltnimada dhabta ah oo ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed.
_DHAMAAD –
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow),

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online