Madaxweynaha DFS Xassan Shiikh Maxamuud oo u socdaali doona magaalada Kismaayo
October 28, 2013 - Written by EditorKismaayo(Halgan) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in safar ay ku yimaadaan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose. Wafdiga Madaxweynaha DFS Xassan Shiikh Maxamuud ayaa laga sugayaa usbuucaan in uu safar booqasho ah ku gaaro Kismaayo isagoo kulan la qaadan doono Madaxda ugu saraysa Maamulka Jubba iyo odayaasha dhaqanka ee Jubbooyinka ee hadda ku sugan Kismaayo.
Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Maamulka Jubba ee Kismaayo ayaa saxaafada u sheegay in ay rajaynayaan in maanta uu soo gaaro Madaxweynaha DFS Xassan shiikh Maxamuud haddii aan wax is bedel ah uusan ku imaan socdaalkiisa. Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa laga dareemayey magaalada Kismaayo u diyaar garoow xooggan oo la doonayo in lagu soo dhaweeyo wafdiga Madaxweynaha DFS Xassan Shiikh oo la hadal hayo in ay ku soo fool leeyihiin magaalada Kismaayo.
Ciidanka maamulka Jubba ee Kismaayo iyo ciidanka AMISOM ayaa waxaa ayku howlan yihiin sugida amaanka goobaha muhiimka ah iyo wadooyinka la filayo in madax weynaha DFS iyo wafdigiisa ay soo maraan waxaan si aad ah loo adkeeyey goobaha ku dhow dhow garoonka diyaaradaha Kismaayo iyo madaxtooyada maamulka Jubba.
Cabdi Yare
Halgan.net