Madaxweynaha Puntlland oo ku soo jeeda magaalada Garoowe
October 16, 2013 - Written by EditorMadaxweynaha Puntland C/Raxmaan Sh.Maxamed Maxamuud Faroole ayaa la filayaa maanta in uu dib ugu soo laabto magaalada Garowe ee caasimada Puntlland ka dib safaro shaqo oo mudo ka badan bil uu ugu maqnaa dalka dibadiisa. Madaxweynaha Puntland C/Raxmaan Sh.Maxamed Maxamuud Faroole ayaa mudo dhowr maalmood ah waxaa uu safar ku joogay magaalada Nairobi isagoo markaas kulamo la qaatay masuuliyiin ka tirsan dowladda Kenya iyo safaaradaha reer galbeedka ee ku yaal magaalada Nairobi.
Madaxweynaha Puntland C/Raxmaan Sh.Maxamed Maxamuud Faroole ayaa intii uu joogay magaalada Nairobi waxaa kale oo uu la kulmo masuuliyiinka tirsan Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka waxaan ay ka wada hadleen arrimaha siyaasada dalka gaar ahaan xiriirka u dhexeeya hogaanka dowllada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Puntlland.
Warbaahinta ka howl gasha magalada Garoowe ayaa lagu wargeliyey in ay tagaan garoona diyaaradaha ee Garoowe oo la filayo in saacadaha soo socda uu ka soo dego wafdi la socda Madaxweynaha Puntland C/Raxmaan Sh.Maxamed Maxamuud Faroole walow ilaa hadda uusan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay Puntland.
M_M_Deeq
Halgan.net