Madaxweynaha DFS oo ka qeyb galaya shirka Midowga Afrika
October 12, 2013 - Written by Editor
Madaxweynaha ayaa maanta lagu wadaa inuu ka qeybgalo shirka Midowga Afrika oo looga hadlayo arrimaha Maxkamadda Danbiyada Caalamiga ah ee ICC iyadoo lagu wado in waddamada Afrika ay mowqif adag ka qaataan maxkamada danbiyada caalamiga ah. Waxaana la filayaa in laga doodo oo ka dibna go’aan wadajir ah laga qaato arrinkan.
Marwo Fowzia oo ka qeybgashay shirkii Wasiiradda xalay ayaa diiradda lagu saaray sidii ICC aysan u noqon laheyn maxkamad Afrika oo kaliya wax ka qabata oo Wasiiradu ay tilmaameen in caddaaladu ay noqoto mid loo wada siman yahay oo dhammaan dadka eedaha loo wada heysto ay intooda badan yihiin Afrikan oo weliba Madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisaba ay dacwadoodu socoto.
Madaxweynaha ayaa maanta la kulmaya madaxda afrika oo uu kulammo gooni gooni ah la qaadan doonaa, waxaana uu kulanka ugu horreeya la leeyahay Madaxweynaha Jabuuti Ismail Omar Gelle.
– Dhamaad –
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson,
Office of the President of the Federal Republic of Somalia
Office of the President of the Federal Republic of Somalia