Magaaladda Kampala ee Caasimada Dalka Uganda oo si weyn looga ciiday.[Masawiro]

October 16, 2013 - Written by Editor

DSC01622Kampala:-Waxaa maantay si weyn looga Ciiday Magaaladda Kampala ee Caasimada Dalka Uganda iyadda oo dadka Muslimiinta ah ku nool ay aroortii hore saakay u soo baxeen wadooyinka waa weyn ee caasimadda. Waxaa mar keliya laga maqlayey inta badan goobaha lagu tukado salaada Ciida Takbiirta salaada, iyada oo dhanka kalena dadka Soomaalida ee ku nool magaaladda Kampala ay ku tukadeen goobo badan oo ku yaal magaaladda.

Masjidka weyn ee Soomaalida kuna yaal xaafadda Soomaalidu degto ayaa waxaa isugu yimi dadweyne aad u fara badan oo ay ka muuqtay bilicada iyo quruxda maalinta qiimaha leh ee Ciida. Waxaa lagu arki karayey gudaha iyo dibadda xaafadda Soomaalida caruur,waayeel iyo dhalinyaro aad u soo labistay kuwaas oo soo xirtay dhar cusub oo aad u qurux badan.

no images were found

Salaada Ciida ayaa waxaa Qudbad qiimo badan ka soo jeediyey Sh.Cabdikariim Cabdiraxman Sh.Nuur oo ka mid ah Culimadda waaweyn ee dalka Uganda, kaasi oo ka hadlay arimo badan oo ay ka mid ahaayeen sidii ay isku cafin lahaayeen Umadda Islaamka ,Qiimaha ay leedahay Udxiyadda iyo weliba sida ay Muhiim u tahay in mar walba la ilaaliyo sharafta diinta Islaamka.

Waxaa la gudo galay salaadii ciida, iyadda oo ka dibna loo dareeray Dadka goobaha qof walba uu ka yimi si uu u guto waajibka ay leedahay maalinta weyn ee Ciidul adhaa.

Said Mohamed  Barre
Saciidbarre1@gmail.com
Kampala,Uganda

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online