Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Bari oo xukun dil ah riday
October 23, 2013 - Written by EditorBoosaaso:-Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Bari ayaa maanta waxaa ay dil toogasho ah ku xukun tay labo qof oo lagu eedeeyey in ay dileen marxuun Maxamed Bashiir oo mudo 5 bilood ka hor ay ku dileen magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. 2-da eedeysane ee lagu xukumay dilka ayaa waxaa ay kala yihiin Iftin Maxamed Cismaan,oo ahayd marwadii uu qabay ninka la dilay iyo nin magaciisa lagu sheegay Tamaan waxaan ay labad gacan ku dhiigle ka soo jeedaa Qawmiyada Oromada ee dalka Itoobiya.
Xeer ilaaliyaha Maxakamada Darajada 1aad ee Gobolka Bari Bashiir Hoobalay ayaa maxkamada ka sheegay in gacan ku dhiig layaasha ay ku cadahay dilka Marxuum Maxamed Bashiir iyagoo dilkiisa u adeegsaday Tooray ka dibna ku aasay isla guriga uu deganaa walow usbuucii hore ay ciidanka Booliska Boosaaso ay helleen meydka Marxuun Maxamed Bashiir.
Guddoomiyaha Maxakamada darajada 1aad ee Gobolka Bari Axmed Salaad Axmed ayaa ku dhawaaqay go’aanka Maxkamada isagoo dil toogasho ah ku riday Iftin Maxamed iyo Tamaan,halka Eedeysane kale oo lagu magacaabo Cabdishakuurna dib loo dhigay xukunkiisa lana soo baarayo.
Guddoomiyaha Maxkamada darajada 1aad ee Gobolka Bari Axmed Salaad Axmed ayaa saxaafada u sheegay in marxuunka la dilay Maxamed Bashiir uu ahaa nin ka shaqaysatay oo dhisa Musqulaha ka dibna kuwa dilay ay u dileen xooggaa lacag ah oo uu shaqaysan jiray.
M_M_Deeq
Halgan.net