Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Puntland oo maanta xukuno kale duwan riday

October 29, 2013 - Written by Editor

cidanMaxkamada  ciidanka qalabka sida ee gobollada Bari, Karkaar, Hayland,Sanaag iyo Gardafuu ayaa maanta xukun kala duwan ku riday eedeysanayaal lagu eedeeyey in ay  dhac iyo dil  ka geysteen magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga ee Puntland.Maxkamada  ayaa waxay soo bandhigtay cadeymo  muujinaya dambiyada loo heysto eedeysanayaasha maanta la keenay Maxkamada.

Gudoomiyaha Maxkamada ciidanka Gobalka Bari C/ Fitaax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay kiiska loo heysto rag dhacay xawaalada Kaah Expres 27 bishii Maarso 2013 iyo burcad dhacday  21-da bisha  October 2013 dumar ka ganacsada suuqa Dahabka ee magaalada Boosaaso.

Maxkamadda ayaa ugu horeyn waxay dhegeysatay dacwada raggii dilka iyo dhaca ka geystay Xarunta Xawaaladda Kaah Exprees ee Boosaaso waxayna dil toogasho ah ku xukuntay Farxaan C/qaadir Xasan oo ku magac dheer Dabliq  ,C/fitaax Burhaan iyo Maxamad Nayl   halka ay  10 sano xarig ah  ku xukuntay Jamaal C/nuur iyo Cxaafid waxayna sii deysay Maxkamadu Maxamad Cabdullaahi Cabdi ,iyo C/qaadir Xasan Dabliq.

Maxkamada ayaa waxaa kale oo ay dil toogsho ku xuntay ragii dhaca iyo dilka ka geysay suuqa dahabka ee magaalada Boosaaso waxaana ka mid ah raga dilka lagu xukumay C/raxmaan Cumar Dhaaye oo ku magac dheer (Jarerow ) kaas oo dilay alaha u naxariistee Sahro Cali Shire oo ka mid ahayd haweenka dahabka ku gada Suuqa Boosaaso.

Gudoomiyaha Maxkamada ciidanka qalabka sida ee Boosaaso ayaa waxaa uu sidoo kale ku dhawaaqay xukun xarig ah uu ku  riday Maxamad Fows Cartan oo ku magac dheer ilkacase waxaana lagu xukumay 10sano xarig ah halka 5sano lagu xukuma Khaliif Cumar Dhaaye  .

Shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso ayaa qeyb weyn ka qaatay qabashada burcada dilka iyo dhaca ka geystay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaana ay soo dhaweeyeen xukunka lagu riday eedeysanayaasha.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online